Xafiiska Rasiisul Wasaaraha Ethiopiya iyo safaarada u fadhido Maraykanka oo walaac badan ka muujiyey booqoashada ay ku joogaan madaxda Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya iyo beeninta wararka dowladda Ethiopiya ay ku quudato oo ah in Soomaaliya ay Argagixiso ka jirto.
Madaxda Isbahaysiga Drs. Fowsiyo Maxamed Sheikh oo ah Xoghayaha Xuquuqul Insaanka iyo Danbiyada Dagaalka iyo Prof. Cabduraxmaan Xaaji Aden Ibbi oo ah Kaalliyaha Guddoomiyaha Isbahaysiga oo beryahanba booqosho ku joogo dalka Maraykanka ayaa waxay la kulmeen xubno ka tirsan labada AQAL ee maraykanka oo kala ah : Kongreessman Donald Bayne, Congressman Kieth Allison, Congreeswoman Maxine Waters, Senator Norm Coleman, Senator Amy Klobuchar iyo Senator Mark Dayton iyo madax sare oo ka tirsan xafiiska Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka (State Department ).
Dhamaan kullamada ay la yeesheen madaxdaa waxay u gudbiyeen dekumenti MAQAL IYO MUUQAAL ah oo la xiriira xasuuqa loo gaystay Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka laga barakiciyey guryahoodii iyo bililiqada loo gaystay hantidii shacabka oo laga dhigay wax la bur buriyey iyo wax loo rartay suuqyada Addis Abbaba.
Madaxda ay la kulmeen oo dhan waxay aad uga xumaadeen xasuuqa waxshinimada ah ee lagu hayo Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Markey arkeen sawirada dadka lagu laayey dagaalada sida Haweeneydii meedka ahayd ee cunugeeda oo laba bilood jir ka ah nuugaayo. Xubnaha labada Aqal waxay sheegeen in sharci daro ay ku soo gadshay dowladda Ethiopiya ayna tahay wax maanta lala yaabo in qarniga 21aad ey dowlad afrikaan ah ay ku duusha dowlad kale oo dariskeeda ah isla markaana ay xasuuqan oo kale u geysato. Waxay kaloo sheegeen in aan marna loo cafinayn dadkii ka ayb qaatay xasuuqan iyo kuwii amrayba waa sida ay warka u dhigeen xubnihii ay la kulmeen Musuuliyiinta Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya.
Masuuliyiintan oo kullan la yeeshay GARYAQAANO ku xeel dheer arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo xasuuqa waxayna ka xareysteen GAL ay ku qoran yihiin dhamaan inta ka qayb qaadatay xasuuqan iyo inta ku kaalmeysay oo dhamaan loo gudbinaayo Maxkamada Dembiyada dagaalka. GARYAQAANADAN oo ah kuwa si aad ah ugu caan baxay daba galka danbiyada dagaalka iyo xasuuqa aadanaha
(Posted by juujuu, December 10, 2007, 6:03 AM)