GUDDOOMIYAHA ISBAHAYSIGA OO SOO GABGABEEYEY TABABAR SAXAAFADEED
Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha G.fulinta Sheekh Shariif Sh.Axmed ayaa galabata ku soo gababgabeeyey tababar lagu baranayey qeyb ka mid ah aqoonta saxaafadda oo muddo toban maalmood ah ka socday magaalada Asmara.
Guddoomiyaha oo hadal gaaban ka jeediyey munaasabaddaas waxa uu ka waramay baahida loo qabo in ay maanta warbaahinteenu kaalin hormuudnimo ka qaadato dadaalka loogu jiro dib u xoreynta dalka. Sheekh Shariif Sh.Axmed waxa uu ku booriyey ka xubnaha dhameystay tababarka inay aqoonta ay kororsadeen uga faa'iideeyaan shacabka Soomaaliyeed ee la il daran dhibaatooyinka isisoo taraya ee ay ciidamada cadawga iyo dabadhilifyadoodu ka wadaan dalka gudihiisa.
Guddoomiye Sheekh shariif waxa uu ka warbixiyey waxqabadka xafiisyada kala duwan ee Isbahaysiga mudadii uu dhisnaa, waxa uuna sheegay in wada jirka, iskaashiga iyo wada shaqeynta wanaagsan ee yihiin arrimo muhiim u ah xaqiijinta qorshe hawleedka Iwsbahaysiga, waxa uuna ugu yeeray masuliinta xafiisayada inay sii kordhiyaan dadaalkooda iyo waxqabadkooda si shacabka looga dulqaado masaa'ibka ku habsaday ee ay u soo horkaceen kuwo cadawga ummadda u adeegaya, waxa uuna farata ku fiqay sida cad ee kitaabka iyo sunnaduba uga hadleen hagaajinta iyo horumarinta hawlaha shacabka loo hayo.
Gabagabadii Sheekh Shariif waxa uu shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ugu yeeray inay cadwgooda u midoobaan muqaawamadana hiil iyo hooba la garab istaagaan si ay u suurtagasho in dalka iyo dadkaba laga xoreeyo ciidamada Ethiopia ee ku soo duulay.
Munaasabadaasi waxaa erayo bogaadin iyo dardaaran isgu jira ka soo jeediyey guddoomiyaha G.dhexe ee Isbahaysiga Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, isaga oo hoosta ka xariiqay sida loogu baahan yahay in la sii dardargeliyo waxqabadka xafiisyada kala duwan ee Isbahayiga.
Shariif Xsan Sh. Aadan waxa uu u mahadceliyey xafiiska warfaafinta oo tababarkan soo diyaariyey iyo intii kale ee gacanta ku siisay meelmarinta iyo najaxintaiisa, waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay mar kasta in aan isha ku hayno waajibaadka ballaaran ee aan ummadda u qaadanay iyo sidii aan uga mira dhalin lahayn.
Munaasabaddan o si aad u heersareysa loo soo abaabulay waxaa madaxa ka hor halkaas ka soo jeediyey erayo isgu jira soo dhaweyn, warbixin iyo bogaadin masuuliinta kala ah:
Cusmaan Libaax oo ah ku xigeenka xafiiska warfaafinta, Suleymaan Colaad Rooble oo ah Guddoomiyaha Guddiga warfaafinta ee G.dhexe ee Isbahaysiga iyo Jaamac Maxamed Qaalib oo ah guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga.
Gbagabadii tababarkan Guddoomiyaha Isbahaysiga Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Guddoomiyaha G.dhexe ee Isbahaysiga waxay si wada jir ah dhambaal Tacsi ah ugu direen Allaha u naxriistee eheladii ay ka geeriyootay Madiino M. cilmi (Madiino Janaraal) iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, waxayna fal dambiyeedka lagu dilay Madiino oo caan ku ahayd wax u qabashada iyo u gargaaridda bulshada dhibaateysan ay dusha uga tureen Ciidamada Ethiopia oo shacabkii Muqdisha soo barakiciyey ka dib markii ay dil, dhac iyo burbur baahsan u geysteen intii ka badbaadayna ay iska hortaageen in ay gaarto hawlaha samafaleed ee lagu gargaarayo.
Xil suleymaan Colaad Rooble
xubin ka mid ah baarlamanka xorta ah ahna guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo wacyi galinta isbahaysiga dib-u-xoreynta soomaaliya
2917159380 asmara Eretry