Waxaa dhawaan la magacaabey Xulka qaranka soomaaliya ee kubadda Cagta, uga qeyb galaya is reeb reebka koobka aduunka 2010-ka ee lagu qaban doono dalka koonfur afrika.
Xulka la magacaabey ayaa ka kooban ilaa 23 ciyaartooy oo laga soo xuley kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan dalka soomaaliya waxayna magacyadoodu kala yihiin sida tan:
01.Yaasiin Cali Cigaal (Jareere)
02.Max’ed Nuur Cabdi (Shaarkey)
03.Ibraahim Axmed Max’ed (Jamataar)
04.Saciid Jilicow Max’ed
05.C/Casiis Max’ed Cali (Hoomey)
06.Qaasim Ibraahim Xuseen (Baaruud)
07.Badri Macalin Axmed
08.C/raxmaan Max’ed Maleele
09.Khaalid Cali Mursal
10.Anwar saadaat Ibraahim
11.Muxiyadiin Axmed Max’ed
12.C/qaadir Cumar Ibraahim (guduudow)
13.C/laahi Yuusuf Cismaan
14.Max’ed Cabdi Caseyr
15.C/waaxid Max’ed Mahad
16.C/raxmaan Cismaaciil Cismaan
17.Kamaal Cali Cumar
18.C/qaadir Sheekh Cismaan (Bakiyaa)
19.Farxaan Cismaan C/laahi
20.Guuleed Axmed Weheliye
21.C/fataax Cabdi Cismaan
22.Yaxye Cumar Gurxan
23.Cismaan Yuusuf Cismaan.
24.Abdulaziiz Mohamed Ali (Dhageey)
25.Raage Bashiir (Ali Baashi)
26.Fuad Muudey
Waxaana macalimiin u ah Xuseen Cali Coonka, Cali Max’ed Absuge iyo Max’ed C/lle Farayare Team Managers, Sh. Saalax Faarax Muxiyadiin, Nuur Cumar Max’ed iyo Xasan Faarax Axmed.
SOMALI NATIONAL Team
Ciyaartooyda Xulka qaranka Soomaaliya, ayaa ku xareysan xarunta naadiga Elman, waxaana lagu wadaa in ay la ciyaari doonaan, Xulka qaranka Jabuuti, magaalada D’jabuuti dhamaadka bishan November.
Haddaba si aan warbixin dheeraad ah oo ku saabsan Xulka qaranka Soomaaliya u helno waxaa ii suuro gashay in aan booqasho ku tago xarunta Elman oo ay ku xareysan yihiin Ciyaartotydan Xulka loo soo xulay. Intii aan xarunta joogay ayaa waxaa ii suuro gashay in aan wareysi gaaban la yeesho Macalinka Xulka qaranka Xuseen Cali, oo ku magac dheer (Coonka), kaasoo aan weydiiyay dhowr su’aalood:
Mahad: Macalin, Ma ii sheegi kartaa, goorta aad biloowdeen diyaarinta ciyaartooydaan xulka Qaranka, ee ku xaraysan xaruuntan Elman?
Macalin, Coonka: Xulka qaranka waxaa si rasmi ah loo xareeyay maalintii Isniinta bishu ahayd 15/10/2007. Waxaana lagu xareeyay xaruunta Naadiga Elman, ee magaalada Muqdisho, si ay isu fahmaan ciyaartooyda, una qaataan tababar joogto ah, maadaama ay ka qeyb galayaan, is reeb reebka koobka Aduunka.
Mahad: Ciyaartoydan aad u soo xusheen, in ay matalaan xulka Qaranka Soomaaliyeed, si qaabkee ah ayaad ku soo xusheen?
Macalin, Coonka: Ciyaartoyda Xulka qaranka waxaan ka soo dhex xulney dhamaan kooxaha heerarka 1aad iyo labaad ee ka dhisan dalka, anagoo ahmiyada siinay qaabka ay u kala wanaagsan yihiin ciyaartoy ahaan iyo jir ahaan intaba.
Mahad: Yaa idinka caawinaya kharashka ku baxaya maamulka iyo sahayda ciyaartooyda?
Macalin, Coonka: Dhinaca kharashka ku baxaya maamulka iyo ciyaartooyda Qaranka waxaa gacan naga siin doono, Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed.
Inkastoo aan suaalaha sii badin karin, waqtiga oo ku yaraa aawgii, maadaama ay ahayd waqti ay ku jireen tababar ayaan waxaa kaloo ii suuro gashay in aan isna wax waydiiyo kabtanka Xulka Qaranka C/qaadir Cumar Ibraahim oo lagu magacaabo (Guduudow).
Mahad: Kabtan Guduudow, tababarka aad hadda qaadataan muxuu kaga duwan yahay tababarka caadiga ah, ee naadigaaga?
Kabtan Guduudow: Tababarkan waxaan si joogta ah u samaynaa subax iyo galab iyadoo ay casharada na siiyaan Macalimiin waayo aragnimo dheeraad u leh ciyaarta kubadda cagta.
Mahad: Maxaadse sanadkan ka rajeynaysaa kulanka isreeb reebka koobka Aduunka ee aad la yeelan doontaan xulka Jabuuti?
Kabtan Guduudow: Rajadeenu ma xumo, aad iyo aad ayaan ugu rajo weynahay in aan ka badin doono xulka Jabuuti, maadaama xulka Qaranka sanadkan ay ku jiraan ciyaartooy mustaqbal fiican ku leh kubadda cagta.
Ugu danbeyntii macalinka xulka Qaranka Soomaaliyeed Macalin Xuseen Cali Coonka, ayaa wuxuu u mahad celiyay madaxda iyo mas’uuliyiinta website-ka kubadda.com sida ay ugu heelan yihiin dadaalka isboortiga dalka.
Hadaba xulka qaranka soomaaliya oo sanidihii ugu danbeeyay aan guulo wax ku ool ah ka keenin tartamada dibada, ayaan la saadaalin karin natiijada ay kala kulmi doonaan ciyaarta ay la yeelan doonaan xulka Qaranka Jabuuti dhawaan. Waxaana jecelnahay in aan si toos ah idinkugu soo gudbin doono tabaabushaha safarkooda iyo wixii ay kala kulmaan ciyaartaas.