Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaalada Mudisho Maxamed Dheere ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdsho kaddib safar uu muddooyinan ugu maqnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Maxamed Dheere iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo magaalada Baydhabo maalmahan ku sugnaa ayaa socdaalkooda dhinaca lugta ah ay ku soo mareen degmooyin ka tirsan Gobolka Bay iyo Sh/Hoose, waxaana galbinayey gaadiidka dagaalka oo aad u tiro badan.
Dhinaca kale, ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa saakay waaberigii xeray wadada dheer ee isku xerta Muqdisho iyo Afgooye iyagoo ku amray gaadiidka in ay hakiyaan isticmaalka wadada in mudo ah, waxayna ciidamada gaaf wareegayaan wadada dheer ee Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Ceelasha biyaha oo la dhigay ciidamo fara badan halkaasi oo horay qaraxyo ay ka dhaceen.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa maalmahan ku sugaa magaalada Baydhabo waxa ayna dib u soo laabashadiisa ku soo beegmeysaa xilli ay weli xiran yihiin aar ka mid ah wadooyinka Muqdisho oo ay xireen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya.