header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Mas’uuliyiin ka tirsan Beesha Dhulbahante oo kulan ku yeeshay Hargeysa 10-sano kaddib

By bilaajo1974 on November 25,2024

Labada siyaasi ee beesha Dhulbahante ee jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland u kala dambeeyey Mr. Axmed Cabdi Xaabsade iyo Mr. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey la kala safnaa labada maamul ee Somaliland iyo Puntland kuwaasoo khilaaf xooggan oo dhinaca xuduudda ahi ka dhex taagan yahay, ayaa shalay barqadii kulankii u horreeyey oo fool-ka-foolka ahi ku dhexmaray guriga uu deggan yahay Qaybe ee magaalada Hargeysa.


Kulankan labada siyaasi dhexmaray oo ay soo qabanqaabiyeen odayaasha, aqoonyahanka iyo dhallinyaro ka soo jeeda beesha Dhulbahante looma oggolaan saxaafadda inay ka qaybgalaan, haseyeeshee ilo xog-ogaal ah oo ku dhowdhow shirkaas ayaa sheegay in ay Qaybe iyo Xaabsade kaga wadahadleen xaaladda Gobolka Sool iyo sidii siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka Dhulbahante wadajir uga shaqayn lahaayeen horumarinta iyo isu soo dhoweynta dadka reer Sool ee afkaaraha kala duwan aaminsan iyo weliba sidii shacbiga gobolkaasi wax ula qaybsan lahaayeen Somaliland inteeda kale, isla markaana u midoobi lahaayeen siyaasiyiinta beesha Dhulbahante.

Waxa kale oo labada siyaasi iska warraysteen xaaladaha labadii meelood ee ay ku kala sugnaayeen [Somaliland iyo Puntland] dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey.

 


77 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author