header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Maxaad ka taqaan khatarta aay bani adamka u leedahay Shiishadda? anti-tobacco agency (OFT)

By bilaajo1974 on November 20,2024

Halkii shiishad ee uu qofku cabo ama uu dhuuqo waxay soo deysaa sunta loo yaqaan carbon monoxide u dhiganta 70 xabo oo sigaar ah sidaa waxaa ku yidhi warbixin uu soo saaray madaxa French anti-tobacco agency (OFT) Mr Bertr.

Soomalida ayaa mudooyiinka aad ugu soo badatay isticmaalka iyadoo Labaratory ku taal dalka Faransiiskana ay baaritaano ay ku sameeysay shiishadda ku sheegtay qatar aad u weyn inuu ku yahay caafimaadka qofka.

Sida ay sheegtay warbixn ay soo saartay Labarotry ku taal dalka Faransiiska halkii shiishad ee uu qofku cabo ama dhuuqo waxay soo deysaa sunta loo yaqaan carbon monoxide u dhiganta 70 xabo oo sigaar ah iyadoo warbaxintaana ay soo gudbiyeen French anti-tobacco agency (OFT) oo ah urur ka soo horjeeda isticmaalka tubaakada guud ahaan.

Warbixintan ayaa lagu cadeeyey in shiishadu ay ka mid tahay waxyaaba hawada sumeeya oo badala qaasatan marka lagu cabo meelaha xidhan oo aysan hawadu ka baxayn sida uu sheegay madaxa French anti-tobacco agency (OFT) Mr Bertrand Dautzenberg.

Baadhitaankan oo ay sameeysay Laboratoire National d'Essais (LNE) ayaa waxaa ay baadhay seddex nooc oo kala duwan oo shiishadda ka mid ah iyadoo ugu danbeeyntina lagu ogaaday in 70 liter oo shiishaddu markay isku badashay carbonka ay u dhiganto 1023 milligrams oo carbonka sigaarka ah taasoo ay warbixintu ku tilmaantay inay ka badan tahay tan sigaarka 102 tasooka badan xadka sharciyan u dhigan dalalka Yurub.

Hadaba iyadoo ay soo baxayaan warbixinada ku saabsan qatarta ay shiishadu leedahay ayaa hadana waxaa aad u soo badanaya dadka Soomaalida ah oo isticmaala iyadoo dadka badankii dhuuqidda shiishada ay u haystaan inay tahay ilbaxnimo oo dadku qaar ayba isku casuumaan.

Dadka Soomalida ah ayaa inta badan koox koox u fadhiista meelo uusan naqasku ka bixi karin isla markaana aan ka weyneeyn ilaa 10 mitir iyagoo halkaana isku afuufa qaaca khatarta badan ee sida warbaxintu sheegtay u dhigma 102 jeer ka badan carboonka uu soo daayo nikotiinka sigaarka.

Cabitaanaka shiishada oo waagii hore ay aad ugu badnaayeen qurba joogta u shaqo tagi jirtay wadamada carabta ayaa waaydan danbe waxay si xoowli leh ugu fiday Somalida ku nool wadamada Yurub iyo North amerikaa waxaana dadka shiishada isticmaala ku soo batay dhalinyaro da,yar ah oo runtii mooda in isticmaalka shiishadu ay ilbaxnimo la gaadhay tahay.

 


115 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author