Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Baydhaba waxa uu kulamo kala duwan la yeelanayey qabaa’illada beelaha Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa beelaha uu ilaa iyo hadda kulamada la yeelanayey waxaa ugu cad cad beesha mudulood oo xubno boqolaal ah ay halkaasi gaareen, kaasoo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere).
Beesha Mudulood ayaa iyagu xusulduub ugu jira sidii ay mar kale uga raaridi lahaayeen madaxweynaha iney iyagu xaq u leeyihiin magacaabidda Ra’iisul Wasaaraha cusub, maadaama Ra;iiusl Wasaarihii hore uu ka soo jeeday beeshooda, laakiinse beelaha kale ee Hawiye ayaa iyaguna doonaya iney helaan magacaabidda jagada Ra’’isul Wasaaraha Cusub, waxaana gebi ahaanba meesha ka baxay hanqaltaaggii beelaha kale ee iyagu rajada ka qabay iney helaan jagada ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay isa soo bandhigeen, musharraxiin badan oo uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada Buubaa