Marxuumkan oo lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan Yuusuf ayaa xalay fiidkii rag wata dareeska ciidammada dowladda kmg ah oo noociisu ahaa cagaar waxay ku toogteen meel aan ka fogeyn xaafaddiisa uu ku taalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Marxuumka oo ahaa guddoomiyihii laanta xaawataako ee degmadaasi ayaa topogashadiisu timid kaddib markii ragga hubeysan ay ku qabsadeen mobayl uu watay sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha degmada Waaberi, kaasoo sheegay iney baxsadeen raggii hubeysnaa ee falkaasi geystay, inkastaa uu sheegay guddoomiyaha iney ku raad joogaan.
Waa mas'uulkii ugu horreeyey ee ka tirsan maamulka degmooyinka gobolka Banaadir ee dilkiisa lagu eedeeyo rag sita dareeska ciidammada dowladda, iyadoo dilalkii ka horreeyey ee loo geystay shaqsiyaad ka tirsan maamulka degmooyinka ay ahaayeen kuwa lagu eedeynayey iney geysteen kooxo hubeysan ee aan la garaneyn, balse lama oga ilaa iyo hadda sababta ay ciidamadaasi dareeska wata u toogteen marxuumkaasi lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan Yuusuf.