Wafdi ballaaran oo ka socda Ururka Jaamacadda Carabta isla markaana uu hogaaminayo Wakiilka arrimaha Somaliya u qaabilsan Samiir Xusni ayaa gaaray dalka Sucuudiga si halkaasi ay kulamo ugula qaataan madaxda dalkaasi.
Samiir Xusni oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay kala xaajoonayaan masuuliyiinta Sucuudiga arrimaha ku aadan dalka Somaliya iyo dhibaatooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magalada Muqdisho.
Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Somaliya waxaa uu sheegay in doonayaan dalka Sucuudiga in ay ku abaabulaan shir madaxeed wadamada Carabta ay yeeshaan oo looga hadlo kaliya arrimaha Somaliya.
Samiir Xusni waxaa uu sheegay in ay hordhigi doonaan madaxda dawladda Sucuudiga xaaladaha murugsan ee ka taagan magaalada Muqdisho iyo dhibaatadii ugu xooganeyd oo todobaadyadii lasoo dhaafay magaalada ka dhacday.
Socdaalkaasi Diplomaasiyadeed ayaa wararku sheegayaan in wadamada Carabta ay ku doonayaan in ay qeyb ku lahadaan siyaasadda Somaliya isla markaana ay shacabka ku gacan siiyaan ka bixitaanka dhibaatada taagan.