header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Banaanbax looga soo horjeeda xasuuqa Xamar oo ka dhacay Oslo, Norway(Daawo sawirada

By bilaajo1974 on November 18,2024

Banaanbax balaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Norwey,tiradoodana lagu qiyaasay 550-qofood ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha ka soo horjeeda Safaarada Mareykanka ku leeyahay Dalka Norwey Caasimadiisa Oslo.

Dadweynanahan oo aad u qiireysnaa kana careysan joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaalya,ayaa ku dhawaaqayey, erayo ay ka mid yihiin (Beesha Caalamka ha soo fara-geliso xasuuqa loo geysanayo Shacabka Soomaaliyeed)(Bush Down)(Melazanawi Down)(Ha la joojiyo xasuuqa loo geysanayo dumarka iyo waayeelka iyo caruurta Muqdisho)(Beesha Caalamka maxay ooga aamusan-yihiin gawraca lagu hayo Waayeelka iyo Caruurta Soomaaliyed) iyo erayo fara-badan oo aan halkaan ku soo koobi-karin.

Wakiilka Ururka dib-uxoreyta Soomaaliyeed ee Dalka Norwey Cali Cabdi Xasan (Cali-Ganeey) oo warbixin gaaban siiyay Shabakada Boondheere.Com geba-gabadii mudaaharaadka ayaa sheegay sababta loo qabtay mudaaharaadkan inay tahay sidii loo tusi-lahaa Beesha Caalamka iyo Dawlada Norwey in Soomaalida ku dhaqan Wadankan ay ka soo horjeedaan xasuuqa iyo barakicinta loo geysanayo Shacabka Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigay Cali-Ganeey,wareysiga Wakiilka iyo aqoonyahano ay ka mid-yihiin Sheekh-Cali iyo Aamino Ismaaciil iyo hadaladii ay ku dhawaaqayeen Dadweynihii mudaaharadayey,waxaan idiin soo gudbin-doonaa saacadaha soo socda hadii EEBE idmo ee ha moogaanina.

Wakiilka Ururka dib-uxoreyta Soomaaliyeed ee Dalka Norwey Cali Cabdi Xasan (Cali-Ganeey)


FG:

Dhinaca kale hadii aysan Soomaalidu isu tanaasulin dhexdooda oo ay iska daayaan taageerada ay kala taageersan-yihiin qolooyinka Adis-ababa iyo Asmara siyaasadooda laga hago,markaas waxaa laga yabaa sidii Falastiiniiyinta oo mudaaharaadkooda bilaabay 1948 ilaa iyo hada oo laga jogo 60-sano mudaaharadaaya,waxaana sababay cadowgoodii oo ka faaideystay,anagana hadaan Soomaali nahay sidooda oo kale ayaa laga yabaa inay nagu-dhacdo waayo qolana Itoobiyo iyo Mareykan baa hogaanka u haya,qolada mucaaraadka Eritariya ayaa hogaanka u heysa,marka Walaalayaaloow aan meel dhex-dhexaad isuuga nimaano,hadii kale cadowga ayaa naga faaideysanaya.

Godo-Godo
[email protected]



360 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 14 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author