Macalinka xulka kubadda cagta dalka Soomaaliya macalin Xuseen Cali (Coonka) ayaa xalay soo gaba gabeeyay tababarkii ugu danbeeyay intii ay joogeen Jabuuti, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhamaan ciyaartooydii ka timid Muqdisho iyo seddaxdii ciyaartooy ee ka yimid Canada, ayagoo u diyaargaroobayay kulanka adag ee berito galab ku soo food leh ee ay la
Macalin-coonka
yeelan doonaan kooxda Qaranka Kubadda Cagata Jabuuti, kulankaas oo ka tirsan isreebreebka koobka Aduunka 2010. Kaasoo ka dhici doono garoonka weyn ee Guled Stadium.
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS), iyo macalimiinta kooxda xulka Qaranka Soomaaliyeed macalin Xuseen Cali Coonka iyo Maxamed Cabdulle Farayare, oo uu wehliyo Daahir Boodaaye, oo ah tababaraha cayaartoyda laga keeney canada ayaa u mahad celiyay dhamaan marti sharaftii ka soo qayb qaadatay soo dhawayntooda.
GOS and FIFA delegation
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur (Saciid Mugaanbe), ayaa xalay kula kulmay Jabuuti wafdi ka socdey FIFA ee loo soo xil sarey eegida kulankaan. Wafdigaas oo kala ahaa David Letershefil oo ah Security Officer una dhashey wadanka Georgia iyo Xuseen Shanwaal oo ah cummushiner una dhashey dalka Kenya iyo Tsfaye Gabrisise oo ah cummushiner refree (garsoore) oo u dhashey dalka Eritrea.
Kulanka berito ayaa si aad ah loo hadal hayaa gudaha Jabuuti iyo dalka Soomaaliyaba. Ciyaartoyda xulka kubadda cagta Soomaaliya iyo macalimiintooda ayaa waxaa la dar daarmay, masuuliyiinta ugu sareysa Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS), oo safarkooda la socday, oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha GOS Cabdulqaadir Ibraahim Gacal (Abkow) iyo Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta dalka Soomaaliya Siciid Muganbe, Bashiir Geeseey iyo Gudoomiyaha Naadiga Kooxda K/cagat Elman Ahmed Nur Xasan C/dulle oo u tagay dalka Jabuuti in uu dhiiri geliyo ciyaartooyda xulka Qaranka oo badnkoodu u ciyaaraan naadiga Elman.
GOS delegation
Rajada xulka Qaranka soomaaliyeed ayaa ah mid aad u saraysa, waxayna rajaynayaan in ay guul ka keeni doonaan kulankaas. Wariyaha warbaahinta kulanka Zaciimka, mar uu ka waraystay Daahir Boodaaye rajada ciyaartooyda Qaranka Soomaaliyeed ayuu yiri “Hadii ay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliya badiso ama bar bardhac gool la’aan ah ku dhamaato ciyaartaas waxaa soo baxo xulka Qaranka Soomaaliya, waxayna u gudbi doonaan wareegga guruubyada. Balse hadii laga badiyo waxaa soo baxaayo Xulka kubadda cagta Jabuuti”.