header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Prof: Dalxa oo ka jawaabey hadal ka soo yeeray dhigiisa dalka Kenya.

Your Ad Here

By Alibaaba al_mujaahid on January 24,2025

Prof: Maxamed Cumar Dalxa, gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka SOomaaliyeed ayaa ka hadley hadal dhowaan ka soo yeeray gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya.

Dalxa ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeeray Faarax Macalin oo dhowaan ku guuleystey gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya oo ahaa in dalka SOmalia uu ku jiro gumeysi uu yahay mid aan laga fiirsan.

Wuxuu sheegay in hadalka ka soo yeeray Faarax Macalin aaney la qabin shacabka iyo mudanayaasha baarlamaanka Kenya, sidaasi oo ay tahayna ay u qaadanayaan mid isaga u gaar ah.

Prof. Dalxa ayaa sheegay in ay dowlada Kenya & dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ka dhaxeyso wada shaqeyn iyo xiriir wanaagsan, isla markaana ay sabab uahayd in dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ay dhisanto dowlada Kenya ,isagoo sheegay in hadalka ka soo baxay Faarax Macalin yahay mid aan waxba kordhineyn.

Gudoomiye kuxigeenku wuxuu sheegay in hadii ay qabaan fikirkaasi oo kale Xisbiga uu ka tirsan yahay Faarax Macalin ee ODM yahay mid qaldan,ayna sumcad daro ku tahay Xubnaha iyo Madaxda Ururkaasi oo doonaya in ay Madax ka noqdaan dalka Kenya.

Dalxa wuxuu tibaaxay in xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo dowlada Soomaaliya & Dowlada Kenya ,isagoo ugu baaqay Shacabka Kenya in ay joojiyaan rabshadaha iyo dagaalada loogana baahan yahay dhamaanba shacabkaasi in ay taageeraan dowladooda uu hogaamiyo Madaxweynaha hada talada haya Mwai Kibaki.


239 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author
image

Macaanow Xaaji

best Sports Writer