wafdi uu hogaaminayo Ra'iial wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan magaalada Muqdisho oo ah Caasimada dalka SOmalia.
Wararka laga helayo magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in wasiiro iyo xubno kale oo ka mid ah wafdiga ra'iisal wasaaraha ay ku sii dhowaanayaan garooka diyaaradaha Baydhabo oo wafdiga ay ka soo ambabaxayaan.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay ka soo degaan Wafdigan.
Ra'iisal wasaaraha aya alagu wadaa marka uu yimaado magaalada Muqdisho in uu kulamo la qaato xubno ka tirsan dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed, iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in sidoo kale wada hadalo la qaadanayo xubno ka tirsan odayaasha beelaha Hawiye.
Waa markii ugu horeysay oo ra'iisal wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed tan iyo markii la magacaabey uu Muqdisho soo gaaro.