Waxaa saakay hakaad uu ku yimid socodka dadka iyo gaadiidka, qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, ka gadaal markii ciidamada dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed ay saakay xireen wadooyinka magaalada Qaarkood.
Ciidamada ayaa saakay xiray wadada km4 iyo wadooyinka gala garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamo aad u faro badan saakay halkaasi lagu soo daadiyay, iyada oo ciidamada ay sheegeen in miino halkaas lagu aasey ay doonayaan in ay saaraan, ayaga oo joojiyay dhamaan socodka dadka iyo kan gaadiidka.
laakiin warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada halkaasi loo geeyay si ay u ilaaliyaan amaanka wadada oo la filayo in ay isticmaalaan wafdi uu hogaaminayo ra'iisal wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed oo daqiiqadaha soo socda la filaayo in ay Muqdisho soo gaaraan.