Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, garabka uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa xaqiijiyay in uu geeriyoodey Axmed Diiriye Cali, Afhayeenkii odayaashaasi oo dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed u xirnaa.
Aaden Maxamed Cusmaan (Aaden Dheere) oo saxaafada u qaabilsan odayaasha beelaha Hawiye ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen geerida Axmed Diiriye, isaga oo sheegay in ay tahay wax aad looga xumaado in Ra'iisal wasaaraha uu sheego in uu nool yahay Axmed Diiriye.
Afhayeenka waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay dileen Afhayeenka, dowlada federaalka SOomaaliyeedna ay u gacan gelisay.
Hadalkan ka soo yeeray odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa ku soo beegmaya iyada oo ra'iisal wasaaraha dowlada federaalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur CAdde uu sheegay in uu nool yahay Axmed Diiriye.