header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Ciidamada Amisom oo sheegay in aysan wax howl gal ah la wadaagin ciidamada Itoobiya.

Your Ad Here

By Alibaaba al_mujaahid on January 19,2025

"Ma ahan suuro gal marnaba in aan la shaqeyno ciidamada Itoobiya, Hadana lama shaqeyno" sidaasi waxaa yiri Afhayeenka cusub ee Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho oo caawa Wareysi bixiyay.

 

Afhayeenka, Captain Barige oo goor dhoweyd wareysi siiyay Idaacada Banadir ee magaalada Muqdisho uu sheegay in ciidamada Amisom howshooda ay tahay in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaalin lahaayeen amaanka goobaha dowlada.

 

"aniga waxaa uun nagala doonayaa in aan difaacno goobaha aan ku sugan nahay, isla markaasna aan is difaacno haddii nala soo weeraro, kama qeyb qaadaneyno weerarada dhacaya, haddii dabcan nala soo weeraro, waa qasab in aan is difaacno" ayuu yiri Afhayeenka.

 

Wuxuu sheegay in ay doonayaan in ay dadka Soomaaliyeed nabad helaan, isla markaana ay ka fogaanayaan wax kasta oo qalalaase abuuraya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Wuxuu sheegay in ay jiraan ciidamo ka imaanaya wadamo badan oo Afrikaan ah oo ka qeyb qaadanaya howlaha nabad ilaalinta, sida oo caalamka ka codsadey in ay gacan ka geystaan sidii ay Somalia u imaan lahaayeen.


46 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author
image

Alibaaba al_mujaahid

I'm the best ever