Home : News : Qarax ka dhacay agagaarka Dugsigii sare ee Banaadir.
Qarax ka dhacay agagaarka Dugsigii sare ee Banaadir.
Related news
Qarax Miino ayaa goor dhoweyd ka dhacay agagaarka dugsigii sare ee magaalada, degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsadey miino sida la sheegay la dhigey meel biyo lagu iibin jirey oo ku taala xaruntii Al-zariira oo ku dhegen gurigii madaxtooyada u ahaa C/Qaasim Salaad Xasan. Waxaan ilaa iyo hadda la ogeyn qasaaraha uu geystey qaraxaasi, iyada oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan qaraxaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed ayaa lagu waramayaa in ay tageen goobta uu qaraxa ka dhacay, ayna xireen. Guryaha iyo goobaha ku dhow dhow halka uu qaraxa ka dhacay ayay ka socotaan howlo baaris ah.
56 times read
|
Did you enjoy this article?
|
Comments (0 posted)
|
|