header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Col: Yusuf oo ka Hadley wada hadal lala galo kooxaha ka soo horjeeda.

Your Ad Here

By Alibaaba al_mujaahid on January 19,2025

Col: C/laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa ka Hadley arrimaha Somalia, xilli uu la hadlayay kanaalka Al-Jazira. Madaxweyne Yuusuf oo wax laga weydiiyay in ay dowladiisu la kulmeyso kooxaha dagaalada iyo rabshadaha ka wada Magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in ay dowlada Soomaaliya la kulmeyso qofkii aqoonsan jiritaanka dowlada Soomaaliya, isla markaana aan aheyn mid hub wata kana tirsaneyn Shabakada Al-qaacida.
Madaxweynuhu wuxuu shaaca ka qaaday in aysan la hadleyn Shaqsiyaad ka mid ah Maxkamadihii laga saaray magaalada Muqdisho,kuwaasoo uu sheegay in ay Amar toos ah ka qaataan Ninka ugu sareeya Al-Qaacida Omasa Bin Ladin.
 Wuxuu tilmaamay in aysan dowlada Soomaaliya aqbaleyn in ay la hadasho Kooxahaasi ,balse wuxuu sheegay in ay la xaajooneyso Qunyar socodka ka mid ah Haraadigii Maxkamadihii Soomaaliya laga saaray 1 sanno ka hor ,isagoo meesha ka saaray in ay la kulmaan dad aan aqoonsaneyn dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay dowladiisu ku dadaaleyso sidii ay wax uga qaban lahayd howlaha baaxada leh ee horyaala ,isla markaana ay uxasilin lahayd Magaalo Madaxda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Rajo wanaagsan ayuu Madaxweyne Yuusuf ka muujiyay dowlada Soomaaliya oo dalka oo dhan ka dhalisa nabadgalyo lugu dayan karo ,isagoo sheegay in ay taasi ku xiran tahay sida ay Beesha Caalamka ugu howlgasho Arimaha dalka Soomaaliya.

  

172 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 3 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author