Ujeedada mudaharaadka ayaa ahayd in loo gudbiyo cabasho ka dhan xasuuqa ay geesanayaan ciidanka Ithopia ay ka wadaan Soomaaliya iyo geeska Afrika, dadka isugu yimid ayaa inta badan ka yimid Europe iyo UK.
Jaaliyadaha isugu yimid ayaa shucuurtoodo kacsanayd, iyagoo ku muujinaayey dibad baxooda heeso wadani ah, waxaa meesha dhaanto iyo heeso qiiro leh ka jeediyey jaaliyada Ogaden iyo Soomaalida iyadoo uu halkaas hees uu qaaday fanaanka weyn Jaango oo uu u qaaday Meles Zenawi.“Alla Melas doqonsanaa oo damiir xumaa, Ninku dad qalsanaa oo duli sanaa, Alla Melas doqonsanaa oo dad cuni okaa.”Mudaharaadkaas waxaa kaloo ka hadlay Eritrea, Oromo, Zidama, Gambala, Ogaden iyo Soomaaliya sidoo kale waxaa Mudaharaad kaas lagu soo bandhigay sawiro tilmaamaya xasuuqa ay ka wadaan Soomaaliya iyo Ogaden ( Somali Galbeed) ciidanka Ithopia.
Dadka Mudaharaadkaas yimid ayaa u badnaa dhalinyaro waayeel iyo caruur iyadoo Mudaharaad kan uu noqon doono kii ugu balaarnaa ay jaaliyadahan midoobay qabataan.
Sidoo kale Mudaharaadkan ayaa watay fiiro gaar ahaaneed dhinaca Media-ha, iyadoo ay yimaadeen TV BBC,BBC Somali oo uu Ridwaan toos u gudbinayey, Aljazeera iyo Chanello badan, waxaa halkaas aan soo xaadirin TV-Universal iyo Isbaheysiga dib u xoreynta wakiiladooda jooga London, taas oo ay ka xumaadeen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee soo agaasintay dibad baxaan caalamiga ah.
Gabagabadii mudaharaadkan ayaa lagu balamay in la sii wado iyadoo loo diyaar garoobi dooni mid socod ah oo dadweyne badan ka soo qeyb gali doonaan insha allah. mudaharaadkan ayaa dhabada u xaaraya in Soomaalida isu timaado Hal codna yeelato iskaashina kala sameyso bulshada ku nool geeska Afrika iyo caalamka guud ahaan ee diidan dhibaatada baaxada weyn ay sameynayaan ciidamada Ethopia iyagoo gacan ka helaya Dowlada Mareykanka.
Waxaa amaan khaas ah dhalinyarada Soomaliyeed ee Ingiriiska ku nool oo arintaan qabsoomideeda isku xil qaamay soona jiitey jaaliyado badan oo ku nool Bariga Afrika oo diidan xasuuqa iyo barakicinta Woyanada Ethopia ka wado Soomaaliya iyo guud ahaan gobalka.
Woyana maffia
Ugu dambayntiina mudaharadayaasha ayaa ku soo gaba gabeeyay guul, farxad iyo iskugu hambalyeyn in si wadajir ah looga hortago dhiig yacabka Zenawi.