header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Somali-land oo loo diiday aqoonsi iyo Mareykanka oo ka hadlay safarka Riyaale

Your Ad Here

By Boondheere Boondheere on January 18,2025

Dowladda Mareykanka ayaa war cad kasoo saartay maalinkii shalay aheyd arinta safarka madaxweynaha Somali-land Daahir Riyaale Kaahin uu ku joogo dalka Mareykanka.

Kulankii ugu horeeyay mudo sanooyin ah ayaa shalay dhexmaray mr. Riyaale iyo xoghayaha arimaha u qaabilsan Afrika Jendayi Frazer, kaasoo sida wararku ey qoreen shaagaya in mudane Riyaale uu kala kulmay kulankaas diidmo cad oo ku aadan gooni isu taaga Somaliland.

Afhayeen u hadlay US State Department oo lagu magacaabo Sean McCormack oo ka hadlayay kulankan dhexmaray Daahir Riyaale iyo Farazer ayaa ku sheegay mid muhiim ah laakiin aanan quseyn wax ku aadan aqoonsiga Somaliland.

"Waxaan rumeysanahay in ey tahay muhiim in lala wada kulmo dhamaan siyaasiyiinta Somaliyeed ee wax galka ah kana socda Somaliya oo dhan, kuwaas oo raba in ey wax ka badalaan dibna u dhisaan sharcigooda oo ey ku dhaqmaan", ayuu yiri Sean McCormack.

Waxaa safar ceynkan oo kale ah sanadii 1999 ku tagay dalka Mareykanka isagoo aqoonsi u raadinaya Somali-land madaxweynihii markaasi ka talinayay ismaamulkaasi Maxamed Ibraahim Cigaal oo isna kala kulmay safarkiisaas diidmo la mid ah mida uu iminka Daahir Riyaale la kulmay.

Ismaamulka Somali-land ayaa waxa ey sheegeen in ey ka go`een Somaliya inteeda kale sanadii 1991 kadib markii ey dhacday dowladii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre.

Xigasho: http://www.voanews.com/english/2008-01-17-voa69.cfm

Sidoo kale eeg: http://www.state.gov/r/pa/prs/dpb/2008/jan/99443.htm

 


117 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author
image

Alibaaba al_mujaahid

I'm the best ever