header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (1 posted)

Al-Shabaab, Al-Itixaad, Midowga Maxkamadaha, Isbaheysiga Asmara, Yaa ah Xaq u Dirir, Yaanse Aheyn?

Your Ad Here

By Boondheere Boondheere on January 18,2025

Tan iyo markii ay ciidamada gumeysiga Itoobiya ee taageerada ka helaya dowladda Mareykanka qabsadeen dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxaa jiray welina socda halgan xaq u dirir ah oo looga soo horjeedo gardarada gumeysiga iyo xadgudubyada joogtada ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Tan iyo markii uu bilowday halgankaas xaq u dirirka ah ee lagaga soo horjeedo gumeystaha cadowga ah ee Itoobiya waxaa naftooda u huray difaaca diinta, dadka iyo dalka boqolaal iyo kumanaan qof oo ka tirsan xoogagga xaq u dirirka Soomaaliyeed.

Dhalinyarada, Odayaasha, iyo Ragga dagaallamaya, Hooyooyinka biyaha iyo cunnada ka daba sida, iyo cid kasta oo taagan goobaha ay dagaalladu ka socdaan waxey ka siman yihiin hal ujeedo, taasoo ah difaaca diinta, dalka iyo dadka Muslimka ah ee Soomaalida ah.

Qaar badan oo ka tirsan shakhsiyaadkaas xaq u dirirka ah ayaa shahiida oo naftooda waaya iyagoo ku jira halgankaas. Shakhsiyaadkaas ku shahiidaya dagaallada lagaga soo horjeedo cadowga ma aaney dhiman ee waa shahiideen, waayo u dhimasho Ilaahey dartii wey ka duwan tahay dhimashada caadiga ah ee asiibta bini aadamka.

Hadaba su'aasha isweydiinta mudan ayaa waxey tahay dadka naftooda u huraya difaaca diinta, dalka iyo dadka waa kuwee? Ma Al-shabaab baa? Ma Al-Itixaadbaa? Ma Midowga Maxkamadahabaa? Mise waa Isbaheysiga Asmara.?

Jawaabta su'aashaasi waa sahlan tahay, dadka naftooda u huraya difaaca diinta, dadka iyo dalka waxey ka kooban yihiin dhamaan qeybaha Soomaaliyeed. Al-shabaab, Al-Itixaad, iyo Midowga Maxkamaduhu waxey laf dhabar u yihiin halganka lagula dagaalamyo gumeystaha dalka qabsaday ee Itoobiya.

Taasoo ay jirto ayaa waxaa beryahan muuqda kala qeybsanaan u dhaxeysa qeybo kamid ah xoogagga xaq u dirirka Soomaaliyeed. Waxaad maqleysaa weerar lagu qaaday ciidamada cadowga oo ay Al-Shabaab iyo Maxkamaduhu midba gooni u sheeganayaan in ay iyagu ka dambeeyeen. Waxaad arkeysaa rag ka tirsan labada dhinac oo saxaafadda isku weeraraya, iyadoo uu garab walba midka kale dhaliilayo.

Hadiise la weydiiyo dhamaantood ujeedadooda waxaa muuqata in ay hal hadaf leeyihiin oo ay leeyihiin waxaan dalka ka xoreyneynaa cadowga qabsaday?. Hadii hadafkoodu sida ay sheeganayaan yahay halkee dhibku ka jiraa?

Dhibku wuxuu ka jiraa rag sheegta in ay madax iyo afhayeenno u yihiin garabyada aan soo sheegnay, kuwaasoo uu ku dhacay cudurka halista ah ee XUKUN JACEYLKA. Waxeyna doonayaan in ay dhiigga Xoogagga Xaq U Dirirka Soomaaliyeed ka dhigtaan jaran jaro ay u fuulaan xukun. Shakhsiyaadka horseedka ka ah kala qeybinta xoogagga xaq u dirirka waa kuwo u ooman xukun, isla markaana doonaya in ay ku gorgortamaan dhiigga Xoogagga Xaq U Dirirka ah.

Waxaad arkeysaa rag sheegta in ay madax iyo afhayeenno ka yihiin qeybaha aan soo sheegnay oo har iyo habeen idaacadaha la taagan kala qeybinta Xoogagga Xaq U Dirirka, iyadoo aad mooddo in ay raggaasu la hadlayaan iskana gadayaan dad aan Soomaali aheyn, maadaama arrimaha Soomaaliya ay maanta maamulaan dalal shisheeye.

Waxaad maqleysaa hebel waa qunyar socod iyo hebel waa nin gacan saar la leh ururka Al-Qaaciddah. Waxaad maqleysaa Reer Galbeedka oo oranaya waa in kooxaha qunyar socodka lagu soo daraa dowladda Mbagathi, balse la tirtiro kooxaha argagixisada ah. Su'aashu waxey tahay Yaa ah Qunyar-socod, Yaase ah Argagixiso?.

Cidda ku hadleysa erayada ay kamidka yihiin Qunyar Socod iyo Argagixiso ujeedadoodu waxey tahay kala gadashada iyo kala qeybinta Xoogagga Xaq U Dirirka, waxeyna u muuqdaan kuwo ku guuleysanaya hadafkaas.

Shaki kuma jiro in dhalinyarada safka hore taagan ee naftooda u huraya difaaca dalka, diinta iyo dadka uu halgankoodu yahay mid daacad ah. Shakina kuma jiro in dhamaan xoogagga xaq u dirirka ah ee safka hore taagan magacey doonaan ha sheegteene ay walaalo yihiin isuna garabsanayaan cadowga ay hortaagan yihiin. Balse wuxuu shaki ku jiraa hadafka madaxda iyo afhayeenada kooxaha sheegta in ay yihiin xaq u dirir!!!.

Xaq u dirirku waa ninka xabbadda ku ridaya cadowga, waa ninka hal qabsigiisu yahay 'HADAL YAR IYO HAWL BADAN'. Waa kuwa shalay doraad iyo maalintii ka horeysay jebiyay cadowga dalka qabsaday ee Itoobiya. Waa kuwa diyaarka u ah in ay maanta la dagaalamaya ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Ragga deggan hoteellada qaaliga ah ee debedda, kuwa la baxay qurbo-joogga ee aan u war hayn xaaladda dhabta ah ee dalka ka taagan, iyo kuwa gudaha ku sugan ee saxaafadda ka aaminay wax kale, isla markaana dhamaantood sheegta in ay madax u yihiin xaq u dirirka ha ogaadaan in eray walba oo ay ku hadlaan iyo tallaabo walba ay qaadaan la ogyahay keydka taariikhdana ay geli doonto.

Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan madaxda iyo afhayeenada garabyada aan soo xusnay in ay ka digtoonaadaan dabinada cadowga, isla markaana ay ka joogaan kala qeyb qeybinta Xoogagga Xaq U Dirirka ah, taasoo horseed u noqon karta niyad jab ku yimaada xoogagga xaq u dirirka, iyo dhaawac gaara halganka looga soo horjeedo ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Guusha iyo Gobanimdada waxey ku dambeyn kuwa Allaah talo saarta, isla markaana uu carabkooda iyo qalbigoodu is waafaqo.

WALLAAHU ACLAM.


145 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 3 votes)
Comments (1 posted)
  • marka hore aniga ma arko wax haba yaraatee layiraah do xaq udirir wax meesh ku lagda mayo waa waxaan diin iyo iimaan midna lahayn dowlan majirto mucaarad na majiro haqa shacab ka laga galo maalin walban wanoqon doono mid la duud siyo ee maalin unbaa laga jaaseen doon naa ilaahay suxaanaa watacaalaa madhihin bam katuur shacab markii horaba dhibaatees naa luuq luuqooda cawaanta kalana haku soo hogaa miyaan madaafiic aniga waxay ila tahay in ay san jirin wax xaq layiraahdo ee ilaahay hanaga qabto kuwa caadeestay in ay marwalba qiil uraadiyaan tacadiga ku dhacaaya shacab ka soomaaliyeed eekaalmada iyogargaarka u baahan
    (Posted by fartuun mohamed, January 20, 2008, 9:33 AM)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author
image

Alibaaba al_mujaahid

I'm the best ever