header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Kabtanka Xulka qaranka somaliyeed ee kubada cagta Mr: caddulqadir Cumar (Gaduudow) oo faahfaahin ka bixiyay ciyaartooydii ka soctay North America (Daawo Somalia Vs Jabuuti)

Your Ad Here

By Boondheere Boondheere on January 02,2025

Cayaartooyda xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo macalimiintooda ayaa dhawaan ku soo laabtay dalka, ayagoo guuldaro fara badan kala soo hooyday safaradii ay ugu kala socdaaleen Jabuti iyo Tanzania ee ciyaarihii tartamada isreebreebka Adduunka 2010 iyo kii Bariga iyo Bartamaha Africa.

Hadaba waxaa noo suuraggashay in aan wax ka waydiino tartamadaas kabtanka xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed C/qaadir Cumar Ibraahim oo lagu naanayso (Gaduudoow), oo aan kula kulanay xafiiskeena kubadda.com ee Muqdisho.
  
Cqaadir Cumar Ibraahim (gadudow)

Gaduudoow, mar waa kabtanka naadiga kubadda cagta Elman ee ka mid ah naadiyada xiligaan ugu awooda roon ee ka dhisan dalka Soomaaliya islamarkaana ah kabtanka xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Hadaba wareysigeena ayaa maanta wuxuu si qaas ah ugu saabsanaa ogaanshaha xogta hoose wixii ay la kulmeen intii ay ku gudo jireen tartanadaas. Waraysiigiina wuxuu u dhacay sidan:

 

 

Ka waran safarkii hore ee aad ugu anbabbaxdeen dalka Jabuuti ?
Gaduudoow: horta markaan kaaga waramo safarkii aan ku tagnay dalka Jabuuti waxaan ka qeyb galnay koobkii isreeb reebka cayaaraha Adduunka. Kulankaas oo aan tabaabusho dheer u soo galnay, in kastoo cayaaryahanadii aan wadanay ey ahaayeen cayaaryahanno da' yar oo u baahnaa waayo aragnimo fara badan, hadana waxey muujiyeen dadaal fara badan. Sida aad ka warqabtaan waxaa goolka nalagoo badiyay nalaga dhaliyay ciyaartaas daqiiqadihii ugu danbeeyay cayaarta. Taas oo ahayd wax aad looga calool xumaado.
Maxaa farqi ah oo u dhaxeeyay tabaabushaha safarkii Jabuuti iyo kii Tanzania ?
Gaduudoow: walaahi farqi fara badan ayaa u dhaxeeyay labada safar. Safarkii aan Tanzania ku aadnay waxaan sameeynay diyaar garoow ka badan kii aan Jabuuti u soo galnay, waayo waxaan haysanay facilities ka wanaagsan kii dalkeena, waad kala garan kartaa dal dagaalo ku dhex jiro iyo dal nabad fiican haysta farqiga u dhaxeeyo. Waxaan sameeynay tababar fiican iyo weliba caawinaad aan ka helnay macalinkii ka yimid dalka Canada oo wax weyn ka badelay qaab cayaareedkeena iyo is fahamka kooxdaba.
Maxay kula tahay in ay idinku soo kordhiyeen cayaartooydii ka timid dalka dibadiisa ?
Gaduudoow: cayartooydii ka timid dalka dibadiisa aad ayey noo caawiyeen dhamaantood in kastoo hadana ay kala xariifsanaayeen waxaan si aad ah u amaanayaa ciyaaryahanka lagu magacaabo Shiino, oo ka yimid dalka Mareykanka oo aan is dhihi karo wax badan ayuu ku soo kor dhiyay awooda Qaranka, Waxaan aad uga xumahay in uusan noo cayaarin kulankii aan la yeelanay dalka Jabuuti.
Boosaska ey ka kala cayaarayeen, cayaaryahanadaas wax manooga sheegi kartaa ?
Gaduudoow: haa cayaar yahanada waxey ka kala cayaarayeen sida hadaan ka bilaabo Shiino, waxa uu ahaa qadka dhexe numbarka lixaad (6) waana nin aad u dadaal badnaa.  Cali Baashi, oo ahaa asagana cayaartooydii ka timid dalka Canada, ayaa asagana ahaa kuwa aan is dhihi karo waa  cayaaryahanadii wax badan ku soo kordhiyay awooda iyo qaab ciyaareedka xulkeena, waana cayaaryahankii aan la yaabay shaqsi ahaan, waayo waxa uu adeegsanayay hibo ilaahay siiyay xag tababar iyo xag farsamaba, waxa iigu cajaa ibka badnaa oo aanan cayaaryahankaasi ku iloobi karin ayaa ahayd kartidiisa ciyaareed iyo mida shaqsiyadeedba iyo sida uu u jecel yahay in uu dalkiisa guul gaaro waxa uuna mar aan  kaftameynay ii sheegay in guul uu u soo hooyo Qarankiisa ey tahay waxa ugu weyn uu ku haminayo, wuxuuna ii raaciyay “hadaan maanta keenin mar uun ayaan keeni doonnaa” waxa uuna ka cayaarayay lanbarka sideedaad (8).  Sidoo kale  cayaar yahan Fu'aad, ayaa asagana ahaa mid dadaal badan muujiyay wuxuuna ka cayaarayay lambarka saddexaad (3). Balse waxaa waxna cayaarin, oo cimilada la qabsan waayay cayaar yahan  Dhageey, oo asagana ka mid ahaa cayaartooydii nooga timid dalka Canada .
Ma jireen wax abaalmarinno ah oo aad ka soo hanateen ciyaarihii Bariga iyo Bartamaha Africa ?
Gaduudoow: haa waxaan ka xusi karaa in gool hayihii ugu wanaagsanaa intuu tartanka socday loo  aqoonsado goolhayaheenii xulka qaranka Soomaaliyeed C/qaadir Sheikh Cusmaan (Bakiyaa) oo runtii muujiyay dadaal aad u badan, oo la'aantiis ceeb badan naga soo raaci lahayd tartankaas.
Ciyaarihii aad dheesheen, ciyaartee ayaad is leedahay waa idinkugu adkeed ?
Gaduudoow: Cayaar ahaan waxaa noogu adkayd ciyaartii aan la ciyaarnay kooxda xulka Burundi oo nalooga badiyay 3 - 0 , maxaa yeelay cayartaas waxeey aheyd kulan aad u adag, marka aad fiiriso xaga jirka farsamada intaba waa nooga heer sareeyeen, waxay ahaayeen ciyaartooy aad u diyaarsan.

534 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 13 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author