Goobta xafladda magacaabista ay ka dhacday ee xarunta Madaxtooyadda magaalada Baydhaba ayay goob joog ka ahaayeen mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole.
Magacaabista Golahan wasiirrada cusub ayaaney ka dhex muuqanin wasiirradii horey u taageeray Ra'iisul Wasaarihii hore ee Cali Maxamed Geeddi, iyadoo uu xilkiisii dib u hantay oo kaliya Salaad Cali Jeelle oo loo magacaabay mar kale Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, waxaana boosaskoodii inta badan loo daayey wasiirradii la safnaa dhinaca madaxweynaha muddadii khilaafka u dhaxeeyey isaga iyo Ra'iisul wasaarihii hore ee Cali M. Geeddi.
Haddaba magacaabiddii Golaha wasiirrada cusub ayaa u dhacday sidatan:
Xil.Saalim Caliyow Ibrow R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Wasaarada Hidaha & Tacliinta Sare
Xil.Ceydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf R/Wasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Xil.Maxamed Cali Xirsi R/Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta
Xil.Cali Maxamed Maxamuud Xareed Wasaaradda Dalxiiska
Xil.Khadiija Maxamed Diiriye Wasaaradda Haweenka
Mr.Cabdiraxman Cabdi Xuseen (Guul Wade) Wasaaradda Warfaafinta
Xil.Ismaciil Maxamuud Hure Wasaaradda Waxbarashada
Xil.Xusseen Ceelaabe Faahiye Wasaaradda Qorsheynta iyo tirakoobka
Xil.Drs.Qamar Aadan Cali Wasaaradda Caafimaadka
Xil.Ismaaciil Axmed Nuur Wasaaradda Gaashaandhigga
Xil.Cabdi Xaashi Cabdullaahi Wasaaradda Degaanka iyo Bey’adda
Xil.Maxamed Cabdulaahi Kaamil Wasaaradda Warshadaha
Xil.Xassan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) Wasaaradda Amniga Qaranka
Xil.Maxamed Nuuraani Bakar Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
Xil.Ibrahim Isaq Yarow Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta
Mr.Maxamed Cali Xaamud Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga caalamiga
Xil.Maxamed Ibraahim Xaabsade Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
Xil.Madoobe Nuunow M. Wasaaradda Dhallinyada iyo Isboortiga
Xil.Cabdi Maxamed Tarax Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
Xil.Axmed Jaamac Jangeli Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa
Xil.Cali Ismaaciil Cabdi Giir Wasiirka, Wasaaradda.Gadiidka Badda & Dekedaha
Xil.Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalla Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
Xil.Maxamed Yusuf Weyrax Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Xil.Cabdullaahi Yusuuf Maxamed Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta
Xil.Cabdirisaaq Isaaq Biixi Wasaaradda Dib u dhiska iyo Dib u Dejinta
Xil.Maxamed Maxamuud Guuleed Wasaaradda Arrimaha gudaha
Xil.Cabdulaahi Axmed Afrax Wasaaradda Ganacsiga
Xil.Xassan Dhimbil Warsame Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda
Xil.Cabdulqaadir Nuur Caraale Wasaaradda Beeraha
Xil.Cali Cabdulaahi Cosoble Wasaaradda Dib U heshiisiinta
Xil.Muuse Nuur Amiin . Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha
Magacyada Wasiir Ku-xigeenada
1.Xil.Fahma Axmed Nuur Wasaaradda Arrimaha Gudaha
2. Xil.Xassan Ibrahim Maxamed Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare
3. Sh.Jaamac Xaaji Xuseen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
4. Xil.Axmed Ciise Cawaale Wasaaradda Dhallinyarada & Isboortiga
5. Xil.Maxamed Ismaciil Bulbul Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha
6. Xil.Caasha Cabdullahi Ciise Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Qoyska
7. Xil.Cabdirahman Ismail Dirir Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
8. Xil.Maxamed Cabdi Cawad Wasaaradda Dib U Dhiska iyo Dib u Dejinta
9. Xil.Maxamed Cali Daheeye Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur Joogta
10.Xil.Xassan Buraale Maxamed Wasaaradda Garsoorka
11.Xil.Sharif Cali Maxamed Abuukar Wasaaradda Warshadaha
12.Xil.Cabdi Kaafi Xassan Wasaaradda Ganacsiga
13.Xil.Cabdi Xaaji Yariis Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalka
14.Xil.Khaliif Sheekh Cabdullahi Wasaaradda Beeraha
15.Xil.Maxamud Cabdi Xasan (Bekos) Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta
16.Xil.Amiin Axmed Sheekh Wasaaradda Maaliyadda
17.Xil.Cali Maxamed Nuur Wasaaradda Degaanka
18.Xil.Xassan Cabdi Guure Wasaaradda Dib U heshiisiinta
19.Xil.Cabdullahi Axmed Cabdille Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
20.Xil.Cabdiraxman Sh. Ismaaciil Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
21.Xil.Maxamud Axmed Kulalihi Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga
22.Ms.Jamiila Siciid Muuse Wasaaradda Qorshaynta
23.Xil.Maxamed Maxamud Indhageel Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta
24.Xil.Cabdulaahi Bile Nuur Wasaaradda Waxbarashada
25.Xil.Ciise Wehliye Maalin Wasaaradda Caafimaadka
26.Xil.Salaad Cali Jeelle Wasaaradda Gaashaandhigga
27.Xil.Cumar Adan Xassan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
28.Xil.Maxamed Sh. Isaaq Abaadir Wasaaradda Gadiidka Badda iyo Dekedaha
29.Xil.Xirsi Adan Rooble Afrax Wasaaradda Warfaafinta
30.Xil.Maxamed Xassan Ibraahim (Qoone) Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda
31.Xil.Bashiir Maxamed Aadan Wasaaradda Amniga Qaranka
Ku dhawaaqistii magacyada Wasiirada cusub oo ka yimid inta badan Baarlamaanka dhexdiisa ayaa Madaxweynaha oo halkaa ka hadlay kula dardaarmay iney xilkooda u gutaan si ay ku jirto daacadnimo, wadannimo iyo karti ayna ka soo dhalaalaan xilalka loo magacaabay, kuwaasoo la filayo in Barlamaanka la horgeeyo oo ay ansixiyaan ama ay qaadacaan.