header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Iska horimaad u dhaxeeya ilaalada Guddoomiye ku xigeenada Gobolka Sh/Dhexe oo sababay Dhimasho iyo dhaawac....

By Anwar Thabit on December 03,2024

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe Xuseen Maxamed Maxamuud "Xuseen Dheere" iyo ku xigeenka arrimaha amniga Axmed Cumar Xabeeb "Jaandhaay" ayaa saakay waaberigii ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.


Iska horimaadkani oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamadii dagaallamayey ayaa waxaa ku geeriyooday labo Askari oo ka tirsan kuwii dagaallamayey, sadax kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dagaal muddo saacado ah socday uu dhexmaray labada dhinac.


Gulufkan colaadeed ayaa lagu soo warramayaa inuu yahay mid salka ku hayo arrimo ku saabsan dhac loo geystay lacag Shillin So. ah oo shalay laga soo aruuriyay bar kontorool oo ciidamadu gobolka ku leeyihiin duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.


Xuseen Dheere oo dagaalkaan ka warramay xili la maqlayey dhawaqa rasaas xooggan ayaa sheegay in ciidamo ka socda Axmed Jaandhaay ay saakay 5:20 subaxnimo weerar ku soo qaadeen hoygiisa isla markaana ciidamadiisa iska difaaceen, isagoo intaa raaciyay in uusan garaneyn sababta keentay in weerar gaadmo ah lagu soo qaado, walow ay inoo suurageli weyday inaan helno Axmed Jaandhaay.


Xiisadan ka soo cusboonaatay magaalada Jowhar ayaa sababay iney maanta halkaasi isaga baxaan dhammaan hay’adihii samafalka ee ka howlgali jiray gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaasoo ka cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho xurgufta u dhaxeeysa labada dhinac.

 


148 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author
image

Ahmed Aden Ibrahim

Speaks English,Writing, Speaks Somalian ,and writing