header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ciidammo ka tirsan dowladda KMG ah ku dhexmaray waddada Siink

By bilaajo1974 on November 12,2024

Hal qof ayaa ku geeriyooday 3 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Dagaal ciidamada dowladda KMG ah saakay ku dhexmaray deegaanka Siinka Dheer ee inta u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.


Iska horimaadkan ayaa la sheegay iney ka dambeysay kaddib markii lacago canshuuro ah oo ciidamada dowladda ay isku qabteen, taasoo murn ka dhashay uu sababay is tacshiiradeynta ciidammadaasi, sida uu xaqiijiyey nin goob jooge ahaa oo gaadiid uu la socday halkaasi gaaray xilligii uu falku dhacayey.

Israsaaseynta oo socotey muddo daqiiqado ah ayaan la sheegay cid kale oo wax ka soo gaartay, marka laga reebo cidiammadii tacshiiradda isku adeegsaday.

Dadka dhaawaca ahaa ayaa la sheegay in loo soo qaaday cusbitallada ku yaalla magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

 


144 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 2 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author