header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo ciidammo dhigay Waddooyinka Magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

By bilaajo1974 on November 10,2024

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa Xerada Congo ayaa la soo dhigey waddooyinka Magaalada Jowhar sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Jowhar.

Ciidamadan ayaa sugaya ammaanka waddooyinka soo gala Magaalada Jowhar iyo kuwa ka baxa waxa ayna si weyn isha ugula socdaan baabuurka ka soo galeysa dhinaca Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.


Maamulka gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegay in ay sidan u sameynayaan ,markii ay heleen xog ku aadan in xubno ka mid ah kuwii todobaadkan la dagaallamay dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay doonayaan in ay u soo baxsadaan gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.


Guddoomiyaha gobalkaasi Maxamed Cumar Deelle ayaa sheegay in ay wadayaan howlgallada dhinaca amniga, isagoo sidoo kale shaaca ka qaaday in ay dhawaan soo baxayaan warar aan u hiilineyn dhinaca nabadgalyada.


Maxamed Cumar Deelle ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ay kooxo doonayaan in ay ammaanka gobalkiisa Khal-khalgaliyaan, isagoo taasi ku macneeyey mid aysan qaadaneyn.


Wuxuu tilmaamay in ay goob walba oo ah koontarool ay soo dhigeen Ciidanka Milateriga oo horey Magaalada Jowhar looga saaray, ayna taasi timid markii ay heleen xog ku aadan Kooxaha dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda.


Tallaabadan uu ku dhaqaaqey Maamulka gobalka Shabeelada dhexe ayaa ah midii ugu horreysay oo nooceeda ay qaataan Maamulka gobalka Shabeelada dhexe, waxayna ku soo beegmeysaa xilli ay howlgallo culus ka wadaan magaalada Muqdisho ciidammada dowladda KMG ah oo kaashana ciidammada Itoobiya.

 


303 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 3 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author