Wareegto maanta laga soo saaray dhanka maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in askarigii ka tirsan Ciidamada dawladda ee dhufeyskiisa kasoo baxa iyadoo dagaalo socdaan laga qaadi doono Tallaabo aad u adag.
Afhayeenka maamulka gobolka Max'ed Muxideen ayaa sheegay in askari waliba la doonayo meeshii la geeyo in uu ka howlgalo isla markaana dhufeyskiisa uusan kasoo bixin intii howlaha amaan sugida ay soconayaan.
Max'ed Muxideen waxaa uu sheegay in ay soo bateen maalmihii ugu danbeeyay Ciidamada ka tirsan dawladda kuwaasi oo dhufeysyadooda kasoo baxa mise kasoo tagaya goobaha la geeyo,arrimahasina waxaa uu ku tilmaamay kuwo aan la aqbali doonin.
Ciidamada dawladda Federaalka Somaliya ayaa intooda badan waxaa ay dhibaato xoogan kala kulmaan dhanka Amaanka iyadoona habeen waliba weerar lagu so yahay ayna taasi usii dheer tahay mushaar yari iyo mararka qaar oo aan waxba la siin.
Ciidamo aad u fara badan ayaa todobaadyadii tagay waxaa ay isaga soo huleeleen dhowr dhufeys oo looga jiray degmooyinka Heliwaa iyo Dayniile iyadoona taasi loo aaneeyay weerarada xoogan ee kaga imaanaya dhinaca Kooxaha hubeysan.