Ugu yaraan Laba qof ayaa inta la ogyahay ku geeriyootay tiro kale oo ay ku jiraan Ciidamo Boliis ahna waa ay ku dhaawacmeen weerar culus oo xalay fiidkii lagu qaaday Saldhigga Booliska Degmada H/wadaag ee Magaalada Muqdisho.
Daryanka qoryaha garabka laga gano iyo rasaasta daran-dooriga u dhacda ayaa abaarihii 6:40-daqiiqo xilligii afurka ka dib marqura laga maqlay Saldhigga booliska degmada H/wadaag ka dib markii ay Ciidamo ku jiray Saldhigaasi ay soo weerareen kooxaha ka dagaalama Caasimadda.
Hubka labada dhinac ay isweydaarsanayeen ayaa waxa uu burbur lixaad lihi u gyestay dhismooyin ku yaala agagaarka Saldhiga oo uu ku jiro dhismaha Masjidka Macalin Biyo Maaloow.
Wajahadda hore ee Masjidka ayaa waxaa lagu arkayey saakay Dhiig goobta ka muuqda iyadoo sida ay dadka deegaanku sheegayaan uu ahaa Darawal Gaari Xamuul ah oo xilligii uu weerarku dhacayey wadada marayey.
Sidoo kale Afhayeen u hadlay ciidamada booliska oo la yiraahdo G/lle C/waaxid Max'ed Xuseen ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada Dowladda ay iska difaaceen kooxihii weerarka soo qaaday.
"Waxaanu ka dilnay Laba ka mid ah kuwa weerarka soo qaaday"sidaana waxaa yiri C/waaxid oo intaa ku daray in ay sidoo kale 2-Qori oo uu ku jiro qoriga ay Soomaalidu u taqaano Daba-jeexa ay ka qabsadeen.
Ciidamada ayaa weerarkaasi ka dib xalay ilaa saakay dad fara badan ka qabqabtay xaafadaha ku xeeran Saldhiga H/wadaag, gaar ahaana guri la sheegay inuu galay Nin dhaawac ah, sida ay dadka deegaanku ku waramayaan.