Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka shanqariyey in ciidamo aad ufara badan oo ka tirsan Dowladda KMG ah lagu daadin doono sida ugu dhaqsiyaha badan gudaha iyo hareeraha Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Isagoo warbaahinta la hadlayey ayaa Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Max'ed Maxyadiin Cali, waxa uu sheegay in go'aankaasina uu yimid kadib kulan xasaasi ah oo shalay ka dhacay xarunta maamulka gobolka, isla markaana ay kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin ay ka mid yihiin taliyeyaasha ciidamada booliska ee afarta qeybood ee gobolka Banaadir, kuwa 16-ka saldhig, gudoomiyeyaasha degmooyinka, taliyaha ciidanka Booliska, qeybaha nabad galyada, iyo waliba saraakiil Itoobiyaan ah.
Kulankaasi oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha gobolka Banaadir Max'ed Dheere, ayaa waxaa si weyn looga hadlay, sida uu Afhayeenka tilmaamay, arrimaha nabad galyada ee guud ahaan magaalada Muqdisho, isagoona xusay in go'aankaasi meel marintiisu ay ka wada qeyb qaadan doonaan ciidamada dowladda KMG ah, kuwa Ethiopia iyo kuwa AMISOM ee googa Muqdisho.
Tallaabadan ayaa waxa ay kusoo beegmayaan xilli xaaladda Magaalada Muqdisho ay tahay mid si aad ah looga dayrinayo, iyadoona ay sii xoogeysanayaan weerarada dagaalyahanada hubeysan ay la bar tilmaameed sadaan saldhigyada ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopia ay ku leeyihiin Caasimadda