header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Gacma Dheere''Waxaa Somaliya ku sugan laba hogaamiye oo ka tirsan Ururka Al Qaacida''.

By Anwar Thabit on December 02,2024

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha dowlada KMG Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmadheere)ayaa daboolka ka qaaday in gudaha Soomaaliya ay joogaan hogaamiyaal ka tirsan ururka Alqaacidda kuwaasi oo ku soo cararay dalka .

Isaga oo waramayay TV-ga Al-arabiya ayuu Gacmadheere sheegay in ciimada sirdoonka iyo kuwa amaanka dowlada KMG ay wadaan dadaalo lagu baacsanayo raggaasi ayna gacanta ku soo dhigayaan sida ugu dhaqsiyaha badan .

Waxa uuna Gacmadheere intaa ku daray in uu hayo warbixino lagu kalsoonaan karo inkastoo uu ka gaabsaday in uu shaaciyo ilahooda .

Gacmadheere waxa uu intaa ku daray in xukuumadiisa in aysan ka daali doonin soo qabashada raggaasi iyo maxkamadeyntooda kuwaasi oo uu ku eedeeyay qal qalgilinta xasiloonida dalka .

Wasiirkaani waxa uu sheegay in raggaasi ka tirsan alqaacidda ay dhaq dhaqaaq ka wadaan dalka iyaga oo la kaashanaya kooxda Alshabab iyo xubno ka haray maxaakimtii islaamka.

Waxa uuna ka codsaday dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta in ay dadajiyaan kaalmooyin maaliyadeed iyo kuwo loojistiga ah si xukuumadiisa dalka uga]u baahdo ayna uga saarto waxa uu ugu yeeray argagixisada .

Waxa uu yiri aniga oo tusaale u soo qaadanaya wasaaradeyda gudaha waxa ay ka cabaneysa qalabka casriga oo ku yar ee u suura gilineysa baacsiga argagixisada .

"Daruufo adag ayaan ku shaqeyneynaa iyo qalab xadidan haddii beesha caalamka na soo gaarsiin kaalmooyinka loo baahan yahay dhab ahaantii argagixisadu waa ay guuleysaneysaa", ayuu yiri Gacmadheere.

Gacmadheere waxa kale uu yiri Soomaaliya waxa ay isu rogeysaa hoy ay ku dhuumaaleystaan guud ahaan dhaqdhaqaaqyada argagixisada .

Xigasho:http://www.alarabiya.net


296 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author