Halkaan ka dhageyso-Laba ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay 14 kalena waa ay ku dhaawacmen kadib marki qarax miino goor dhaweyd uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose,iyadoona dhaawaca qaarkiis xaaladiisa laga deyrinayo.
Warar aanu ka heleyno ayaa ka heleyno ayaa sheegaya in qaraxasi uu ka dhacay Xaafadda Calanleey isla markaana lagu beegsaday kolonyo gawaari ah oo ay la socdeen odayaasha beelaha Sade.
Goob jooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay in Afhayeenka beelaha Sade Xasan Dheere uu kamid ahaa dadkii halkaasi ku dhaawacmay isla markaana gaarigiisa uu ahaa kii qaraxa lagu beegsaday.
Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa iminka aad u kacsan iyadoona ay dadka muujinayaan sida ay kaga xun yihiin dhibaatadii ka dhalatay qaraxaasi iyagoona canbaareeyay kooxihii ka danbeeyay oo wali aan la ogeen.
Halkaan ka dhageyso