Waxaa wali ka socda baaritaano iyo howlgallo baaxad weyn goobihii lagu dagaalamay labadii cisho ee lasoo dhaafay, goobahaasoo ey guud ahaan la wareegeen gacantana ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itobia.
Goobahan oo ey maalinkii labaad ka soconayaan baaritaano guri-guri ah ayaa la sheegay in maalinkii shalay laga soo qab-qabtay guryaha qaar hubka fud-fudud iyo waliba rag looga shakiyay in ey qeyb ka ahaayeen rabshadihii ka taagnaa goobahaas.
Ilaa iyo iminka lama garanayo meesha ey qabteen kooxihii dagaalka ka waday xaafadahan, walow wararka qaar ey sheegayaan in inta badan ey ahaayeen dhalinyaro iyo caruur kuwaasoo hubka soo qarsaday shacabkana isku daray marki laga awood roonaaday.
Waxaa sidoo kale si xowli ah uga soconaya bakhaarada ku dhexyaal suuqa Bakaaraha baaritaano lagu baadi goobayo hub iyo walxa kale, iyagoo ey goob joog yihiin inta badan milkiilayaasha bakhaaradan oo ey si wacan ula shaqeynayaan ciidamada baaritaanada ka wada halkaa isla markaana meelaha lagu amro in ey furaan u furaya boliska.
Shalay galab ayey aheyd markii gudoomiyaha gobolka Banaadir M/Dheere ku amray ganacsatada in ey goobjoog ahaadaan marki baaritaanadu bilaabanayaan hadii kale ey iyagu masuuliyadda qaadi doonaan wixi ka maqnaada iyo albaabada laga jabiyo.
Dowladda ayaa aaminsan in bakhaarada Suuqa Bakaaraha intooda badan lagu keydiyo wax dhaafsiisan badeeco sido hub lagu qarsado iyo walxaha kale ee qarxa.