Home : News : Maxamed Dheere oo Caawa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay siiwedayaan Xasuuq araxn dara ah
Maxamed Dheere oo Caawa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay siiwedayaan Xasuuq araxn dara ah
Related news
No matching news for this article
Gudoomiayaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar xabeeb Maxamed dheere ayaa Caawa markii ugu horaysay ka hadlay dagaalada iyo xasuuqa ay wadaan Ciidamada Itoobiya oo maalintii labaad ka socdo magaalada Muqdisho.
Maxamed Dheere ayaa dagaalada Muqdisho ku tilmaamay in ay u dhexeeyaan Ciidamo saaxiiba ah iyo Kooxo argagaxisa ah iyo Beel gabaad u ah kooxaha argagaxisada Caalamiga ah sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in dadka geeriyooday ay u badan yihiin kooxaha dagaalka waday ee ka soo horjeeda dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopia. Waanu ka dignay in dadka ay ka fogaadaan goobaha ay isku uruuriyeen raggaasi , ciddii wax ku noqota ama lagu dilo iyada ayaa mas'uul ka ah" ayuu yiri Max'ed dheere oo hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay in Muqdisho ay nabad tahay. Hadalka Mas'uulkaan ayaa ku soo beegmaya xilli Dadka magaalada Muqdisho ku geriyooday shalay iyo maanta ay gaarayaan in ka badan 70 ruux oo ay ku jiraan dad rayid ah oo si bareer ah ay u toogteen ciidamada Ethiopia, kuwaasi oo meydadkooda laga helay xaafadaha X/jadiid iyo Suuqa xoolaha.
193 times read
|
Did you enjoy this article?
|
Comments (0 posted)
|
|