Meydadka ku dhowaad 43 ruux oo la sheegay in Shalay, xalay ilaa saakay ay ciidamada Ethiopia dileen ayaa laga kala helay degmooyinka Heliwaa iyo Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho, xilli rasaas goos goos ah iyo madaafiic ay ka dhaceyso agagaarka goobihii shalay lagu dagaalamay ee wadada 30 ka ee magaalada Muqdisho.
Meydka nin oday ah oo laga helay agagaarka Furayaasha ee xaafadda X/jadiid
mid ka mid ah meydadkii lagu arkay saakay xaafadda X/jadiid oo shalay ay soo galeen ciidamada Ethiopia, iyadoo aanu jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay
Meydadka 21 ruux oo ay ku jiraan haween oo ay dileen ciidamada Ethiopia ayaa saakay waxaa lagu arkay xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigleey oo galinkii dambe ee shalay ay soo galeen ciidamada Ethiopia.
16 ka mid ah meydadkaan ayaa waxaa laga helay dhismaha Sargaduud oo ku yaala agagaarka Furayaasha ee xaafadda X/jadiid oo shalay ay soo fuuleen ciidamada Ethiopia, halka 5 ka mid ah meydadkaana laga helay agagaarka Iskuulkii Madiino Warsame ee degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho
Meydadkaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo labo labo iyo qof qof u yaalay waddooyinka dhex mara xaafadahaasi, gaar ahaan iskuulka Xaliimo Warsame.
Ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay shalay xaafadda X/jadiid hasa ahaatee dadka deegaanka waxa ay sheegeen in guryahooda aysan ku hoyan markii ciidamada Ethiopia ay soo fuuleen dhismayaal dheedheer oo ku yaala xaafaddaasi oo dadku ay ka liifayeen sida ay shabelle u sheegeen dadka deegaanka.
Sidoo kale Madfac kaare ah oo ciidamada Ethiopia ee ku sugan agagaarka Black Sea ay saakay soo tuureen ayaa waxa uu 8 ruux ku dilay agagaarka cirtoogte ee Suuqa Bakaaraha halka labo kale oo rayid ahna ay ciidamada Ethioipia toogasho liif ah ay ku dileen isgoyska Black Sea.
8daan ruux ayaa waxa ay ahaayeen dad isku diyaarinayay in ay ka qaxaan xaafadahooda, waxana ay sugayeen gaari ay ku qaxaan sida ay ku warameen dadka deegaanka.
12 ka mid ah dadkaan waxaa meydadkooda saakay markii waaga uu baryay laga helay xaafadda Suuqa xoolaha, halkaasi oo wixii ka dambeeyay duhurnimadii shalay ilaa saqdii dhexe ee xalay ay ku sugnaayeen Ciidamo Ethiopian ah ka dib dagaal xoogan oo barqonimadii shalay ay halkaasi kula galeen kooxaha ka soo horjeeda.
Dadkaan oo meydadkooda si teel teel ah u yaaleen goobaha ciidamada Ethiopia ay ku sugnaayeen ayaa dhamaantood waxaa ku yaalay rasaas ay ku dileen ciidamada Ethiopia sida uu Shabelle u sheegey Cabdi Yare oo ka mid ah dadka deegaanka suuqa xoolaha.
Labo ka mid ah dadkaan ayaa waxaa lagu dilay Masjidka Dabaqeynka ee suuqa xoolaha, iyadoo la sheegay in raggaan ay kala ahaayeen wiil halkaasi u joogay barashada diinta islaamka iyo nin oday ah oo howlo dhinaca nadaafadda ah ka hayay masjidkaasi.
Dadkaan ayaa meydadkooda laga uruuriyay inta u dhaxeysa halka loo yaqaano S-company ilaa Baar Jowhar ee dhinaca xerada Maslaxa.
Meydadkaan la helay ayaa waxaa ku jiray dad da' ah oo intooda badan la dilay intii ciidamada Ethiopia ay ku sugnaayeen nawaaxigaasi.
Markii waaga uu baryay waxaa halkaasi isugu soo baxay dadka deegaanka oo aad u tiiraanyeysan, kuwaasi oo uruuriyay meydadka dadka ay dileen ciidamada Ethiopia.
Meydadkaan laga helay suuqa xoolaha ayaa waxaa ku jira 5 haween ah sida uu sheegay Cabdi Yare oo Shabelle u waramay.
Dadka deegaanka ayaa Shabelle waxa ay u sheegeen in ciidamada Ethiopia ay jajabiyeen dukaamo iyo goobo kale oo ganacsi oo halkaasi ku yaala, halkaasi oo ay ka qaateen lacago iyo qalab kale.
Inta badan goobaha ganacsiga ayaa la sheegay in ay furnaayeen markii ciidamada Ethiopia ay soo galeen, iyadoo dadka qaarna ay ka gaari waayeen in goobahooda ay xiraan oo iyadoo albaabada u furan yihiin ay halkaasi isaga carareen, deetana ciidamo Ethiopian ah ay yimaadeen.
Nawaaxiga isgoyska Black Sea oo shalay uu ka dhacay dagaal aad u qaraar ayaa ilaa iyo wali laga maqlayaa rasaasta qoriga Taankiga iyo rasaas fudud, inkastoo ilaa iyo wali aanu jirin iska horimaad toos ah.
Waxaa la aaminsan yahay in ay jiraan meydad wali yaala xaafadaha qaar oo ay ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia sida meelo ku dhow dhow Black Sea, Albaraka iyo Xaafadda X/jadiid.