header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Meydadka dad rayid ah oo saaka lagu arkay goobihii ay shalay dagaaladu ka dhaceen.

By bilaajo1974 on November 09,2024

Dagaal xoogan oo shalay galinkii dambe dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda xaafada ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Meydadka dad rayid ah oo saaka lagu arkay goobihii ay shalay dagaaladu ka dhaceen.

Dagaal xoogan oo shalay galinkii dambe dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda xaafada ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Dagaalkaas ayaa markii gabalku uu dhacay istaagay waxaana mararka qaar xalay la maqlayey dhawaqa rasaasta oo ay ridyaan ciidmaada Itoobiya ee deegaanadaas shalay dagaaladu kula dhexmareen kooxaha ka soo horjeeda.

Meydadka ilaa labaatan qof oo ciidamada Itoobiya ay toogteen ayaa saaka lagu arkay qeyba badan oo ka mid ah degmooyinka Heliwaa iyo Wardhiigleey oo ahaa goobihii ay shalay dagaaladu ka dhaceen.

12 ka mid ah dadkaan waxaa meydadkooda saakay markii waaga uu baryay laga helay xaafadda Suuqa xoolaha, halkaasi oo wixii ka dambeeyay duhurnimadii shalay ilaa saqdii dhexe ee xalay ay ku sugnaayeen Ciidamo Ethiopian ah ka dib dagaal xoogan oo shalay subax halkaasi kula galeen kooxaha ka soo horjeeda.

Meydadka dadkan ayaa si teel teel ah u yaaleen goobaha ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen waxaana dhamaantood ku yaalay rasaas ay ku dileen ciidamadaaas.

Dadka ay shalay ciidamada Itoobiya laayeen ayaa laba ka mid ah lagu dilay Masjidka Dabaqeynka ee suuqa xoolaha iyagoo kala ahaa wiil halkaasi u joogay barashada diinta islaamka iyo nin oday ah oo howlo dhinaca nadaafadda ah ka hayay masjidkaasi.

Meydadkaan la helay ayaa waxaa ku jiray dad da' ah oo intooda badan la dilay intii ciidamada Ethiopia ay ku sugnaayeen nawaaxigaasi.

Markii waaga uu baryay waxaa halkaasi isugu soo baxay dadka deegaanka oo aad u tiiraanyeysan, kuwaasi oo uruuriyay meydadka dadka ay dileen ciidamada Ethiopia.

Meydadkaan laga helay suuqa xoolaha ayaa waxaa ku jira 5 haween ah iyadoo sidoo kale ciidamada Itoobiya ay jajabiyeen dukaamo iyo goobo kale oo ganacsi oo halkaasi ku yaala halkaasi oo ay ka qaateen lacago iyo qalab kale.

Inta badan goobaha ganacsiga ayaa la sheegay in ay furnaayeen markii ciidamada Ethiopia ay soo galeen, iyadoo dadka qaarna ay ka gaari waayeen in goobahooda ay xiraan oo iyadoo albaabada u furan yihiin ay halkaasi isaga carareen, deetana ciidamo Ethiopian ah ay yimaadeen.

Meydadka 5 ruux oo ay ku jiraan haween oo ay dileen ciidamada Ethiopia ayaa saakay waxaa lagu arkay xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigleey oo galinkii dambe ee shalay ay soo galeen ciidamada Ethiopia iyadoo meydadka inta badan ay ahaayeen kuwo labo labo iyo qof qof u yaalay waddooyinka dhex mara xaafadahaasi.

Ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay shalay xaafadda X/jadiid hasa ahaatee dadka deegaanka waxa ay sheegeen in guryahooda aysan ku hoyan markii ciidamada Ethiopia ay soo fuuleen dhismayaal dheedheer oo ku yaala xaafaddaasi oo dadku ay katooganayeen.

Nawaaxiga isgoyska Black Sea oo shalay uu ka dhacay dagaal aad u qaraar ayaa ilaa iyo wali laga maqlayaa rasaasta qoriga Taankiga iyo rasaas fudud, inkastoo ilaa iyo wali aanu jirin iska horimaad toos ah.


633 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 8 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author