header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Qanyare iyo C/laahi Sheekh Ismaaciil oo shaaciyay in ay ka tanaasuleen Isbaheysigii dhawaan ay ku dhawaaqeen.(Dhageeyso)

By bilaajo1974 on November 07,2024


 

 Halkaan ka dhageyso 

-Xildhibaanada kala ah Max'ed Qanyare Afrax iyo C/laahi Sheekh Ismaaciil aya labaduba waxaa ay sheegeen in aysan kala jeedin isbaheysigii ay kaga dhawaaqeen Baydhabo mid ay ku kala gonayeen Xubnaha Baarlamanka isla markaana ay gaarsiiyeen Gudoomiyaha baarlamanka arrinkaasi in ay ka tanaasuleen.

 


Hadaladaasi ayay ka sheegeen labadaasi masuul kulankii maanta ee Golaha Baarlamanka uu yeeshay oo ka dhacay xarunta ADC kaasi oo looga hadlayay arrimaha Go'aanadii kasoo baxay shirkii beelaha ee Muqdisho ka dhacay.


Xildhibaan Qanyare ayaa ku dooday in marnaba aysan dooneyn isbaheysigoodii Kudlada Isku duubmida Baarlamanka loo dhigo mid lagu carqaladeynayo howsha Golaha Baarlamanka,waxaana ay sheegeen in ay doonayeen kaliya sidi Baarlamanka sharciga uu u ilaalin lahaa.


Go'aankoodaasi ayaa soo baxaya xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in beesha Caalamka iyo wadamada dawlada Federaalka taageera qaarkood ay uiga digeen xubnaha isbaheysigaasi in ay horseedaan kala qeyb sanaan ku timaada Baar

 

 Halkaan ka dhageyso

 

 Halkaan ka dhageysolamanka Somaliya.


596 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author