Home : Sports : Zidane oo la ciyaaray caruurta Masar ka dib markii tour kumarayay Dalalka Arabta
Zidane oo la ciyaaray caruurta Masar ka dib markii tour kumarayay Dalalka Arabta
Related news
No matching news for this article
Xiddigga caanka ah ee reer France Zinadine Zidane ayaa booqasho samafal ah ku yimid magaalada Qaahira ayaa waxuu kula cayaaray caruur Masaari ah magaalda Qaahira.
Booqashadan gaaban ee Zidane ku yimid Qaahira ayaa waxey aheyd mid uu deeq ugu gudbinayay caruurta darbi jiifka ah ee Masaarida oo ay hay'ada UNICEF ku sheegtay tiro ahaan hal milyan iyo laba boqol, waxeyna ku dandareysan yihiin jidadka ayagoo aanan laheyn wax Hooy ay seexdaan ah mana helaan caafimaad iyo cuno ku filan.
Zidane oo ah Ciyaaryahan looga bartay tabarucaadda caruurta iyo la dagaalanka faqiirtinamada ayaa waxaa taleefishinada laga arkayay asagoo aad ugu faraxsan cayaar kubadda cagta ah uu la baashaalayay Caruur masaari ah oo da'dooda u dhaxeysay 6 ilaa 14.
Cayaryahanka ayaa wuxuu ku howlan yahay qabanqaabada Koob Caruureed caalami ah oo lagu qaban doono dalka France xiliga kuleelaha.
Xiddigan oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Aljeriya ayaa waxa uu ku guuleystay seddex jeer inuu noqdo cayaaryahanka ugu laacibsan aduunka waxuuna usoo hooyay dalka uu u cayaaro ee Fransiiska guulo badan sida koobka aduunka iyo koobka Yurub
511 times read
|
Did you enjoy this article?
|
Comments (0 posted)
|
|