header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Isbaheysiga Dib Xoreynta Somaliya oo eedeymo ba'an usoo jeediyay hey'adda QM iyo Bush-ka Mareykanka.

By Anwar Thabit on December 11,2024

Gudoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in hey'adda QM ay qeyb weyn ku leedahay dhibaatada ka taagan gudaha dalka Somaliya maadaama aysan ku dhaqaaqin tallaabo ay ku joojineyso Xasuuqa Itoobiya.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal siiyay shabakadda Alarabiya.net ayaa intasi ku daray in aamusnaanta QM iyo ka hadal la'aanta waxa ka dhacaya magaalada Muqdisho ay mithaal dhab ah u yihiin sida ay ula duuban yihiin.

 

Gudoomiye Sheekh Shariif waxaa ku eedeeyay QM in aysan isku diyaarin wax ka qabashada tacaddiyada ay Ciidamada Itoobiyaanka ka geysanayaan magaalada Muqdisho,isagoona soo qaatay gumaadkii xooganaa ee Askarta Itoobiyaanka ka geysteen magaalada.

 

Sheekh Shariif,Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Somaliyeed waxa sidoo kale maamulka Bush ee Ameerikaanka uu ku dhaliilay dowrkooda cadaawadnimo ee ka dhanka ah shacabka Somaliyeed isla markaana ay ku leeyihin arrimaha ka soconaya dalka Somaliya.

 


57 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 4 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author