header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse oo kala diray golihii deegaanka magaalada Gaalkacyo.

By Anwar Thabit on December 11,2024

Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse ayaa maanta kala direy Golihii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo isagoo taasina u sababeeyey waxyaabihii dhacay todobaadkan ee ku aadanaa khilaafka soo gala dhexgalay golaha deegaanka.


Madaxweyne Cadde Muuse ayaa sheegay in ay golahan kala direen ,isla markaana wuxuu soo magacaabay Gudoomiye iyo kuxigeenka isagoo Gudoomiye KMG ah u magacaabay Axmed Cali Salaad ,wuxuuna kuxigeen uga dhigay Jaamac Cabdi Ciise.

Cadde Muuse ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha golaha deegaanka ay beeluhu si deg deg ah u soo doortaan si loo bilaabo howlaha loo qabanayay Bulshada Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka dowladaha Hoose iyo Horumarinta gobalada Puntland Cali Cabdi Awaare ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan bilaabayaan sidii ay ula kulmilahaayeen Qeybaha kala duwan ee Beelaha ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo.

Warqada ka soo baxday Xaafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lugu sheegay in Haweenkii golaha ku jirey aan waxba laga badalin aysana ku jirin wax lakala direy.

 


Gaalkacyo


59 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 2 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author