Jaaliyada Soomaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Engriiska Gaar ahaan magalada Madaxda Labaad ee Birmingham ayaa soo dhaweyey Magacabista Raysalwasaaraha cusub Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade)
Maalintii axada ahayd oo bisha ahayd 25 November ayaa hollka shirarka ee magalada Birmingham lagu qabtay xaflad Tele conference aad iyo aad loo soo agaasimay waxana Qadka Telefoonka uga soo gebgalay Raysalwasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) xafladaas waxana ka soo qebgaly dad fara badan oo ka kooban bulshada qeybahayda kala duwan Programka wuxuu bilaawday sacadda Markey ahayd 5:00 Galabnimo shirka waxa xiririnayay Dr Cali Maxamed Xussen Cali (Atom) ugu horeentii waxa daahfur loga dhigay ayaddah Quraanka Kariimka ah markaa kadib waxaa warbahiyaha lagu soo dhaweeyay Sheekh ahmed oo ah sheikh caanah oo laga yaqaano dalka iyo dibadda kana akhriyo caluumta ama Kitabada kala duwan ilaa dhowr masjid oo ku yaala Magaladda London.
Sheekh wuxuu halkaas ka ka soo jeediyay wacdi diini ah oo dadkii ka soo qeybgalay xafladaas ay aad iyo aad ugu qushuuceen sheekha wuxuu kula dardaarmay in la taageero dawladda oo la garabgalo sidii ay amaanka iyo kala dambeenta loo soo celinlahaa.
Markaa ka dib waxaa warbahiyaha lagu soo dhaweeyay Xaaji Cali kulmiye (cali jarman) Xaajiga wuxuu soo dhaweeyay Magacawista Raisalwasaraha Dr Nuur Xasan Xuseen (Nuur cade) markaa ka dib xaajiga wuxuu ka hadlay qiimaha ay Dowladnimo leedahay iyo sida lagu gaari karo wxuu aad ugu nooxnooxsaday in aan dhibkan lagu sii jiri Karin oo loo bahanyahay in caqliga shaqeeyo haddii aan wax walba burburino yaa inoo maqan wuxuu ka codsaday ka soo qebgalayaasha in lala shaqeeyo Dawladda.
Marka ka dib waxaa warbahiyaha lagu soo dhaweeyay Shariif Muxidiin Maxamed Shariifka wuxuu ka hadlay sida loogu baahanyahay in dhibatada laga saaro soomaaliya oo la soo celiyo nabadii si horumar loo gaaro wxuna hambalyo kal iyo lab ah u soo jeediyay Raysalwasaaraha cusub Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cade ) . marka ka dib waxa lagu soo dhaweeyay codbahiyaha Maxamed Xuseen oo halkaas ka soo jeediyay tex gabay ah oo logu magac daray (Quursi) . waxa halkaas madadaalinayay dadkii ka soo qaybgalay Barbaarta Gashaman ee Birmingham waxay halkaas ka soo jeediyeen Shrib iyo guraw oo ay ka soo qaybgalayasha aad iyo aad ula dhaceen.