header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Agaasimihii Shirkadda Isgaariisnta Nationlink qeybta degmada Balcad oo maanta la dilay.

By bilaajo1974 on November 29,2024

Wararka ka imaanaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhaxe ayaa sheegaya in halkaa maanta lagu dilay Agaasimihii shirkadda Isgaarsiinta ee Nationlink ee degmada Balcad.

Marxuunka oo la oran jiray Axmed Xasan Koofi ayaa maanta lagu dilay xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink qeybteeda degmada Balcad ee gobolka Sh/dhaxe.

Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray mid ka mid ah shaqaalihiisa oo Toorey ku dhuftay kaddib markii uu shaqada ka ruqseeyey.

Maamulka degmada Balcad ayaa sheegay inay soo qabteen Ninka geystay falkaas dilka ah islamarkaana gacanta lagu hayo.

Arrintan ayaa waxaa si weyn uga xumaaday dadka deegaanka iyagoo ku tilmaamay fal waxashnimo. 

Cakaarra.com

 


20 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author