header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Wasiirka qorsheynta Qaranka oo Hargeysa ka furay shirwayne looga hadlayo dib u dhiska Somalilnd

By bilaajo1974 on November 29,2024

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Isu duwidda Cali Ibraahim Maxamed ayaa shirweyne looga hadlayo bilowga mashruuca dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland oo bilaabmi doona 2008 ka furay magaalada Hargeysa.

Kulankaasi oo socon doona  muddo laba cisho   ah oo ay soo qaban qaabisay  Wasaarada Qorshayntu,ayaa  ujeedadiisu tahay  mid lagu falanqaynayo mashruuca RDP  oo ah Mashruuc  ay  maalgelintiisa iska kaashanayaan Baanka Adduunka , QM   iyo EU, waxa ka soo qayb galay Baanka Adduunka , QM , EU-da  , Wasaaradaha Dawladda, hay’adaha Madaxa banaan  ee Dawlada iyo hay’adaha Deeq bixiyayaasha.

Wasiirka qorshayntu  hadal  uu ka jeediyay furitaankii  kulankaasi  ayaa sheegay in uu shirkani  daba socdo   shir  hore oo la qabtay Bishii  Janaayo sidaasi daraadeedna wixii  kaa hore ka soo baxay marka   la falan qeeyo  lagu ansixin doono isla markaana   lagu bedeli doono  Mashruucan oo markaa hore ahaa RDF  in uu noqdo  RDP  Reconstruction  and Development  Programme’’. Waxa kale oo uu sheegay in shirkan  lagaga wada hadli doono Isu-duwida  deeqaha (UN Transitional Plan) iyo   Iskaashiga guud ee dawlada iyo hay’adahaasi.

Wasiirku  isagoo  ujeedada  shirkan  ka hadlaya waxa uu yidhi ‘’Shirkan  labada
cisho   ee uu socdo   waxyaabaha  lagaga wada hadlayaa  waxa weeyi in warbixino   la keenay  oo ah shirkii  bishii   Jenawari   la qabtay   wixii laysku   raacay   oo imika dib loo soo  habeeyay  in laysla  afgarto  ah , waxase  ku jira laba qodob  oo mihiim ah oo aan kala hadlayaa qolooyinkan ka socda   Baanka Adduunka iyo Eu-da  iyo Hay’adaha  QM, taasi  oo ay   qodobadani  kala  yihiin:

1-Sidii  ay   lacagtu u iman lahayd  barnaamijkan bilaabmi doona 2008 markii hore
Somaliland  waxay  u soo marki jirtay hay’adaha   QM, laakiin   taasi imika waanu
ka wada hadlaynaa.

2-Sidii  Mashaariicdaa marka la bilaabo  wada tashigii , fulintii iyo wixii  ka
soo baxaya  ah ee dhibaato  ah  looga wada xaajoon lahaa ee loogu dhigi lahaa qaab lagu  wada tashado ayaa isaguna  ku jirta.

’Markuu  bilaabmo   Mashaariicdaasi   waxa loo baahan yahay in  aanay  noqon  mid ay qolada  deeq bixiyayaashu  la soo habsaamaan  lacagayawgii  ay keenayeen  oo had iyo goor  dhacda ee wakhtigii  wax walba  loogu tallo galay   ay sidoodii u dhacaan. ’Xagga  dawlada waxa waajib ku  ah in deeqda dadkii u baahnaa inay gaadho , suurta gasha in lagu wada shaqaysto  xaashi cad  oo cid waliba  arki karta waxa ku yaala’’, ayuu yidhi. Wasiirka  qorshayntu  waxa uu sheegay in  uu ka rajaynayo  shirkaasi   in midho dhal  fiicani ka soo bixi doonaan , isla markaana tallaabada ku xigtaa ay noqon doonto   fulintii  Mashruucan  oo la yidhaa  dib u dhiska  iyo horumarinta  Somaliland, kaasi oo socon doona shan sano , lana  bilaabi doono sanadkan soo socda.

Sioo kale kulankaas waxaa ka hadlay Dr Chris Lovelace  oo  ah Agaasimaha Baanka Adduunka  ee gobolka, Wakiilka Somaliland  iyo Soomaaliya u qaabilsan  UN-ta  Eric LAROUCHE , ku xigeenka Wakiilka Komishanka Midowga Yurub Richard  Honds, waxaanay  masuuliyiintani  dhamaantoodba ka warameen  faa’iidada  Mashruucani leeyahay  iyo meelaha  wax ka qabashadiisa  diirada lagu saari doono.

 


38 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author