28-11-2024)Kadib markii dadweynaha Itoobiya ay markii ugu horreysey telefishinka Eritrea ka daawadeen falalka ciidamadoodu ka sameeyeen Soomaaliya iyo khasaaraha Ciidamadooda ka soo gaarey, ayaa waxaa dalka Itoobiya ka bilowday dhaq-dhaqaaq wejiyo badan leh oo lagu mucaaradayo maamulka tigreega ee uu hor-boodo Males Zenawi. Males Zenawi ayaa bilaabay calaacal uu u jeedinayo baarlamaanka uu isagu farmuuqa ku soo doortay ee ugu xereysan Aqalka looga taliyo dalka Itoobiya, isagoo carrab dalab leh ugu sheegay in arrinka Soomaaliya uu noqon waayey sidii uu moodayey, haatana ay dhibaatoba ka heysato sidii uu uga bixi lahaa.
Keligi taliyaha oo ku caan baxay hadallo daqiiqad daqiiqad isku burriya, ayaa eedeyn dusha uga tuuray beesha caalamka oo uu ku eedeeyey iney keeni waayeen ciidamadii beddeli lahaa kuwiisa, taasina ay keentay in ciidamadiisu dusha u ritaan howl aysan markii hore ku talo gelin.
Jisaarka Shahaadada uu wato ka qaatay Muqdisho, ayaa waxaa kaloo uu nacalad huwiyey kooxda uu min Nayrobi ilaa beydhabo soo xambaaray ee Mbagathi, oo uu ku sheegay wax matarayaal aan u qalmin in la taageero oo aan xitaa iska dhicin karin buu yiri baadarigu, carruur yar yar, isagoo ka qariyey baarlamaankiisa inuu isagu xitaa iska dhicin waayey Caruurtaas uu sheegay.
Mayeeshiyaadka Woyaniga ayaa jabkii ugu wewynaa kala kulmay Soomaaliya tobankii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo dal sabool ah sida Itoobiya oo macaawino ku nool ah si ay uga soo kabtaan ay qaadaneyso muddo aad u dheer, waxayna kamid tahay xumaanta iyo qabiixnimada dulliga huwan ee ay keligi taliyayaasha Afrika dalalkooda ku burburiyaan.