War shalay ka soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" ayaa lagu sheegay in ay dowladda Federaalka ogolaatay isticmaalka Baasaboorka cagaaran mudo ku eg gudashada waajibaadka Xajka in loo isticmaalo oo kaliya.
Afhayeen u hadlay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la tixgeliyay iyadoo la guda galay xiligii la guda geli lahaa waajibaadka Xajka sidaa darteedna loo ogolaaday dadka heysta Baasaboorka cagaaran ee ku dhufsan Fiisaha ay ku soo xajinayaan, sidoo kalena Baasaboorka cusub la qaadan karo iyo weliba waraaq lagu magacaabo Laasha Basaare oo ah mid u dhiganta Baasaboor oo Dowladda Sacuudiga u ogolaaday Soomaalida iney ku soo xajiyaan oo kaliya.
"Intii lagu jiray khilaafkii siyaasadeed ee dowladda ayaa la mamnuucay Baasaboorkii cagaarnaa iyadoo kadib iyo ka horba ay u dalbanaayeen shirkaddaha Fiisooyinka Xajka, iyado o ay jiraan dad badan oo helay Fiisahaasi sidaa daraateed ayey dowladdu tixgelin ugu sameysay in loo isticmaalo gudashada Xajka oo kaliya" ayuu yiri Cabdi Xaaji Goob-Doon oo intaa raaciyay in sharcigii lagu mamnuucay Baasaboorkii hore uu sidiisii yahay uuna dhacayo marka Xajka laga soo laabto.
Dhawaan ayaa Guddiga Amniga Qaran, Waaxda Socdaalka iyo mas'uuliyiin ka socotay shirkaddaha duulimaadyada ay go'aansadeen in la mamnuuco isticmaalka Baasaboorka Cagaaran lana qaato midka cusub ee ay dowladdu keentay, iyaddoo la amray in cidii lagu arko la marsiin doono tallaabo sharciga waafaqsan, balse tallaabadan iminka dowladdu go'aansatay ayaa noqoneysa mid u fududeyneysa shirkaddaha iyo dadweynaha ku howlan gudashada waajibaadka xajka ee sanadkan.