Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, ayaa xalay waxaa kulan ay albaabadu u riixan yihiin ku yeeshay Madaxweynaha Dowladda FS C/llaahi Yuusuf Ahmed, Ra’iisal Wasaare cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo shalay soo gaaray Muqdisho.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Somalia, ayaa sida ilo-wareedyo ku dhow dhow ay sheegayaan waxaa la iskula soo qaaday xaaladda dalka uu haatan marayo, iyo ajendayaal kale oo qarsoodi ah.
Sheekh Aadan Madoobe warbixin ka siiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha natiijooyinkii kulamadii Baarlamaanka dhawaan yeeshay, gaar ahaan aqbalaadii Baarlamaanka uu ku ansixiyey sharcigii Xukuumadda soo diyaarisay ee ahaa la dagaalanka waxa logu yeero Argagixisada.
Lama oga qodobada kale ee ay isla soo qaadeen xubnahani, hase ahaatee ilo-wareed ku sugan Villa Somalia ayaa sheegaya in ay jireen arimaha kale ee ay isla soo qaadeen maadaama kulanka intiisa badan uu ahaa mid ay albabadu u owdnaayeen.