header
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

DHUXUL DHOOFIN KA SOCOTA BARAAWE XILLI DOWLADDA KMG HORAY U DIIDAY.

By b1laajo on May 02,2025

Iyadoo Dowladda KMG horay u sheegtay in ay mamnuucday Dhoofinta Dhuxusha iyo Xaalufinta Dhirta ayaa wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ee Gobalka Sh/hoose waxa ay sheegayaan in hawlahaasi ay si caadi ah uga socdaan.

 

Dekadda macmalka ah ee Degmada Baraawe ayaa lasoo sheegayaa in ay haatan si caadi ah uga socdaan Hawlo ballaaran oo Dhuxul dhowr tan ah loogu rarayo Markab xamuul ah oo ka diiwaan gashan Dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta.

 

Sidoo kale Xaalufinta dhirta ayaa si dar dar leh uga socota deegaanada hoos yimaada Degmada Baraawe ee Gobalka Sh/hoose.

 

Ma jiro wax hadal ah oo ay Mas'uuliyiinta Dowladda KMG kasoo saareen Dhoofinta Dhuxusha Iyo Xaalufinta Dhirta xilli Dowladda kmg ay horay u sheegtay in talaabooyin adag oosharciga waafaqsan laga qaadi doonociddii falkan xaalufinta deegaanka ah lagu helo.

 


86 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed