Dab weyn oo Caawa ka kacay Dukaan kuyaalla Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho.
Muqdisho,31,January-07 ( Qaadisiya.com) Dadweyn ayaa caawa waxa uu ka kacay Dukaan kuyaalla Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho dabkaasi oo geystay Khasaaro fara badan.
Wariyeyaal kusugan Magaalada Muqdisho oo Xiriir aanu la sameynay ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in Dabkaasi uu sababay in uu gubto Guud ahaan wixii dukaankaasi kujiray iyo sidoo kale in uu soo dumiyay Aqal ka koreeyay sida Wariyeyaasha Muqdisho kusugan ay kusoo waramayaan.
Dukaanka uu Dabka ka dhacay ayaa waxa uu kuyaallay Degmada Xamar weyne Gaar ahaan Xaafadda Kootka, waxaana lagu iibin jiray halkaasi Sida dadka Deegaankaasi ay inoo xaqiijiyeen Barafuuno, Qalabka Electronics-ka, Aashitada Batariyeyaasha lagu shubo iyo waxyaabo kale.
Dukaanka oo lagu guuleystay in la damiyo ayaa waxaa u soo gurmaday Dadweynaha kudhaqan Xaafadaha kala duwan ee Degmada Xamar weyne kadib markii laga aadaamay Masaajidda Xamar weyne oo caado u ah Xilliyada ay musiibooyinka dhacaan una ah Calaamado ay isku gartaan dadkaaso oo ay isugu soo gurmadaan.
Hantida kujirtay dukaanka ayaanan la qiyaasi Karin waxaana idin soo gudbin donna wixii dheere ah Xilliyada Soo socda Inshaa Allaah.
|